Writen by Qaran News |

Iyadoo inta badan ee ganacsigeena ka yimaada dalalka dibada uu u badan yahay badeecado aan lahayn tixraac caafimaad oo sharciya dalka soo sameeyey company soo saaray diyaarintan in hayada tayada aduunka uu ka diwaangashan yahay company tayo fayadhowr hadaba inta badan waxa dhaca fududayntan qaanunkan ganacsi oo ka hor iman kara lasocodka caafimaadkena ama cunto xalaal ah Xalaal and xaaram health certificate waa cadaynta ay kala hor yimaadan shirkadaha dibada ee aynu had iyo goor kasoo iibsano ganacsiga dibada cuntooyinka caanaha foodstuf mar hadii badeecada cuntada ay wadato cadayn qoraal ah oo sheegaysa in loo isticmaali karo sifo xalaal ah oo ay ka reeban yahiin samayskii ama warshadayntii badeecada wax yaabaha inaga mamnuuca sida hilibka doofarka
Dalkeenu waxa ku soo badanaya xanuuno aan hore uga jirin maadama dhulka aynu ku noolahay huwan yahay cimilo wanaagsan oo dhex dhexaada waxaynu odhan karaa oo aynu ku qeexi karaa in ay sabab u yahiin cuduraada soo badanaya sida dalkeena oo waxkastoo oo aynu isticmaalo oo dibada inooga imanaaya aan la ogayn noocyada badeecaduhu ay ka kooban yahiin iyo awooda tayo waxtar ee ay ka kooban yahiin
Badeecad kasta oo dibada inooga imanaysa sida cuntooyinka daawooyinka waxay ku yimaadan sifa khilaafsan sharciga caalamiga ee la socodka fayadhowrka cuntooyinka daawooyinka etc xataa waqtiga dhoofka ee doonyaha ama maraakibta conteners lagu soo qaada ma laha qaboojiye
Tan waa dawlad xumada ka jirta dalkeena ee la dayacay adeegyadii noolaleed ee bulshadu quudanaysay waa wadan qof kasta oo lacag haystaa uu keeni karo waxa uu doono hadii uu wadanka u dhashay waa wadan aanu kala xadaysnayn ganacsigiisa
Tan waxay sabab u noqotay wadan aanu jirin sharci iyo qalab caafimaad oo lagula socon karo noolasha iyo daryeelka caafimaad ee bulshadu u bahaan tahay
Bulshadii danyarka ahayd waxa ku khasab noqotay in ay iibsadaan oo ay ku qancaan taariikhda isticmaal ee ku dul qoran badeecada taala suuqyada ganacsi
Waxa soo badanaya xanuunka kalyo istaaga oo sabab u noqon karto tayo lasocod la anta rashinka cuntooyinka caanaha daawoyinka etc
Ma jiraan dr dalka wax usoo bartay waxa badalay kuwa ajanibka ah oo ku shaqaysanaya cusbitaalada ugu waawayn dalka kuna samaynaya qaliino privite waxa meesha ka baxay roll kii ay ku lahayd siyaasada caafimaadka dawliga ah
Waxa fududaatay oo laga jecel yahay daryeelkii iyo xanaanayntii xuquuqda muwaadinka faqiirka waxa laga jecel yahay naxariistii iyo gargaarkii bulshada lacag urursi iyo tartan dhaqaale
Waxa qabsaday jahawareer ka hor qiyaamaha bulshadii waxay ku sugan yahiin nin buka boqol u tali waxa miciin bideen oday geed ku haystaa iclaaj waxa ku habsaday masuul daday xuquuqdi iyo aragtidi rayigii masuuliyadii oo la warwareejinayo adiga maanta ana bari waxa la ilaaway xisaabta iyo akhirada dambe
Waxan ku talinayaa in ilaahay aynu ka baqano badeecadaha aynu iibinayno waan la socdaa oo xogogaal baan ahay

Buux Ibrahim
buux0210@gmail.com