Writen by Qaran News |

Xisbiga Kulmiye dowladii ka dhalatay kadeedka ay dalka iyo dadka soo mariyeen caruurta guryaha joogta ayaa garanaysa. Ninkii hashu ku jiifsatay wuxuu yidhi, Cawo weynaa nin ay mar uun caweer ka kacday. Shicibku halkaa ayuu marayaa oo kol hadii doorasho loo dareero u codeyn maayaan xisbigii Somaliland ku tuntay ee qabyaalada soo celiyey ee musuq maasuqa fasaxay ee siir bararka ku riday een wax uu u qabtay aanay jirin. Kulmiye horta taageero badan ma hayo haybsana maayo dadkina waxay garteen inay ka cunaan oo ka codeeyaan. Hadii Kulmiye kale la keenayo Silaanyo ayaa loo kordhin lahaa mudada sidaa darteed ummadu khaat-yaan bay ka joogaan xisbi aan ilaa hada barnaamij lahayn oo doonaya in uu kii Silaanyo dalka ku kharibay sii wado. Caqligaaga la kaasho oo bal Kulmiye ku bedel Kulmiye maxay kordhinaysaa sow maaha in dalka laga qaxo oo dadku gaajo ku leyso. Mida kale diktator nimo ayaa samays maysa haduu Kulmiye soo noqdo oo meel Kulmiye leeyey bay isu bedelaysaa oo way ka sii dareysaa sidaa darteed bulshadu diyaar uuma aha in hantida ummada haday wax ka hadheen ba la wada xaraasho. Wax faaida ah oo xisbiga Kulmiye soo wadaa ma jirto. Hadaba ka cuma oo ka codeeya si Somaliland loo bad-baadiyo.

Abdi Mustafe
Abmustafe123@gmail.com