Bushaaro Baandey Hooyadeed oo Baaq Adag u Dirtay Madaxweyne Muuse

Hargeysa-Hinda Maxamed Cawaale oo dhashay Suxufiyadda Bushaaro Baanday ee labada bilood ku xidhan Hargeysa, ayaa sheegtay in caddaalad darro iyo dulmi lagu haysto inanteedii.

Hinda Maxamed Cawaale waxay madaxweynaha ugu baaqday inuu sii daayo inanteeda waxayna ku dooday in aanu isaguba jeclaadeen in inantiisa sharci darro lagu haysto muddo laba bilood ah.

“Waa dulmi in la yidhaahdo qof kale dambigiisii ayaa loo haystaa iyadoo Ilaahay yidhi qofna dambiigsa qof kale dusha lagama saari karo” ayey tidhi Hooyo Hinda. Waxaanay intaas ku dartay “Madaxweyne waxaad tidhi fartayda eeday baydun odhan anigay taasi maanta igu dhacday caddaalad darrada lagu haysto inantaydu walaahi in aanay xalay Seexan”

Waxa kaloo ay sheegtay inay qarisay dhaawicii Bushaaro Baandey lagu soo gaadhsiiyay Wajaale markii la qabanayey.