Buuni liiska argagixisada ayuu ku jiraa waxaanu radinayaa gidaar uu kaga gabado gabood fallada uu ku eedeysan yahay ….” Yoonis Ahmed Yoonis
“Waxa aan ka tacsiyadeynaya shacabka Somaliland iyo taageerayaasha Xisbigi weyna ee Kulmiye dhibaatada uu dhagahooda maalin walba ku hayo Wiilka dawladdaha dunida ugu jira Liiska arga-gixisada ee gidaar uu kaga gabado gabood fallada uu ku eedaysan yahay ka dhigtay Xisbigi hoggaamintiisa Siilaanyo laha ee Kulmiye! waxa aan garanaya iyado dadka Somaliland oo dhammi dhageystaan hadalka Siilaanyo oo ahaa Guddoomiyihi Xisbigaa 2008-2009kii isaga oo afka Xisbiga ku hadli jiray dadkuna aad u xiiseyn jireen cod iyo cududna Xisbiga ugu keenaya Aqoontiisi iyo awoodiisa hoggaamineed, maantas’e waa u jab iyo hoog taageerayaashi Kulmiye in qof arga-gixiso ku eedaysani afki Xisbigaas ku hadlo mar labaad waan ka taciyadeynaya.
Anigu maanta Ciidanka Booliska iyo Hay’addaha Amaanka dalka ayaan la hadlay imikana mar labaad ayaan ku celinaya Aniga oo afka Xisbigayga WADDANI ku hadlaya oo aan leeyahay:
“Waxa aan idinka fadhina in aad bulshada u caddeysaan xogta amniga dalka ee aad haysaan in aad gaysaan Xafiiska Kulmiye oo aad tihiin waax Kulmiye ka tirsan iyo in aad Xogta amni ee umadda Somaliland xafiisyadiina Boolis ay taalo.?” Haddii aad sheegi waydaan waxa umadda u caddaneysa in aydaan dhex aheyn oo aad dhinac tihiin Xisbi ahaanna waxa aanu dawladdaha dunida la wadaagi doonta iyo dadka Somalilandba sida aad u lumiseen kalsoonidi shacabka.
Ugu dambeyn waxa aan hambalyo u diraya Saxaafadda Somaliland ee go’aanka ka qaadatay in aanay tebin wararka Wiilka Arga-gixisadda ku eedaysan ee ay iska garteen oo bulshada dhagaha ka wasakheynin, hadalkiisa mataga u eeg ee aanan maskax fayow ka soo bixin.
Somaliland waa u ayaan darro iyo aafo weyn in shaqsiyaddaas Arga-gixisadda ku eedaysani tidhaahdo Siyaasi ayaan ahay, mar labaad waxa aanu jawaab ka sugayna Booliska Somaliland in ay caddeeyaan xogtooda amni in xafiisyadda Kulmiye dhex taalo iyo in kale haddii ay caddeyn waayaan waxa umadda u caddaaneysa in Ruux arga-gixiso ku eedaysani Booliska Somaliland afkooda ku hadlaayo Shacabkana warka Booliska iyo xogtooda la wadaagayo.
Goorma ayey Hay’addii Boolisku noqotay meel Xogteeda Argagixiso qof ku eedaysani hayo?
Yoonis Axmed Yoonis
Xog-hayaha caddaaladda Xisbiga WADDANI.