Buuq ka dhashay xisbi Soomaali ah oo ku biiray kooxda M/weynaha Cusub ee la doortay William Ruto

Waa kulanka UDM iyo Kenya Kwanza

Xisbiga cusub ee United Democratic Movement (UDM) ee uu hogaamiyo Senetarka laga soo doortay ee Mandera Cali Roba ayaa toddobaadkii hore ku biiray isbaheysiga Kenya Kwanza ee uu hoggaamiyo Madaxweynaha la doortay ee William Ruto, tasoo ka careysiisay garabka Raila.

Xisbiga UDM ayaa ka soo goostay isbeheysiga Azimio La Umoja ee uu hoggaamiyo Raila Odiga kaas oo qaadacay natiijadii madaxtinnimo, islamarkaana maanta maxkamda ugu sarreysay u gudbiyay dacwad ka dhan guusha Ruto.

Xisbiga UDM oo haysta 7 xildhibaan ayaa ku biiristiisa muhiin u tahay isbahaysiga uu hoggaamiya Ruto.

Marka laga soo tago xildhibaanada xisbiga UDM, waxa uu haystaa 34 xubin oo ku matalaya dowladaha hoose iyo 2 barasaab oo laga soo kala doortay Mandeera iyo Marsabit.

Tirada Xildhibaanada uu isbahaysiga Kenya Kwanza ku lahaa baarlamaanka 13-aad ka hor inta uusan ku biirin xisbiga UDM ee ay Soomaalida majaraha u hayso waxa ay ahayd 159 halka isbahaysiga kale ee uu hogaaminayo Raila Odinga ee Azimio La Moja uu haystay 162 xilidhibaan.

Hase yeeshee Ku biirista xisbiga UDM ayaa waxa ay dhabar jab weyn ku tahay Raila iyo isbahaysigiisa.

Haatan isbahaysiga Kenya Kwanza waxa uu baarlamaanka ku 13-aad ku lahan doonaa 166 xildhibaan taas oo ka dhigaysa inay helayaan aqlabiydda baarlamaanka soo socda.

Inay aqlabiyada qaataana waxay u sahleysaa inay socodsiiyaan ajanadahooda siyaasadeed iyo sharci dejinta.

Isbahaysiga uu hogaaminaya Ruto ayaa waxaa sidoo kale ay heli doonaan 12 xildhibaan oo ah kuwa la soo magacaabay.

Ku biirista xisbiga ee isbahaysiga Azimio La Umoja ayaa waxaa ka dhalatay dood iyo muran badan oo dhinaca sharciga ah.

Waxaa si adag uga hadlay Martha Karua oo u sharaxnayd madaxweyne ku xigeenka Isbahaysiga Azimio La Umoja ee Raila uu hoggaamiya iyadoo sheetay in tallaabadaasi ay sharci darro tahay.

Karua ayaa madaxweynaha la doortay Willim Ruto ugu baaqday inuu sharciga ilaaliyo maaddaamaa aanan xilligan la ogoleyn in xisbi isbahaysi ka soo baxay uu ku biiro isbahaysi kale.

Balse hadalkeeda waxaa ka jawaabay qareen Axmedaasir oo sheegay in ku biirista xisbiga UDM ee Isbahaysiga Kenya Kwanza aysan waxba ku jabnayn.

“Waa maxay cawaaqibta sharci ee ka dhalan karta haddii xubno baarlamaanka ka tirsan ay ku biiraan isbahaysiga Kenya Kwanza iyagoo ka soo baxay Isbahaysiga Azimio La Umoja? Sharci ahaan WAXBA.” ayuu bartiisa Twitter ku soo qoray.

Dhanka kale William Ruto, madaxweynaha la doortay ee Kenya ayaa yiri “Waxaan si rasmi ah u soo dhawaynaynaa xisbiga UDM ee ku soo biiray isbahaysiga Kenya Kwanza. Waxaan aaminsanahay xorriyadda inuu qof kasta ku biira ururkuu doono,” ayuu yiri.

Xildhibaanada lagu soo doortay xisbiga UDM

Umulkheyr Qaasim

Bashir Cabdullahi

Kullow Xasan

Joseph Lekuton

Abdul Ibahim Haro

Adan Xaaji

Mangale Munga Chiforomodo

Waxaa intaasi dheer hogaamiyaha Xisbiga Cali Roba oo ah Sanartar laga soo doortay, barasabka Marsabit Maxamuud Cali iyo barasabka Mandera Maxamed Adan Khaliif oo iyaga lagu soo doortay xisbiga UDM.