Caaro oo Sheegay in Dagaalka ka Jira Somaliland uu ku Dambayn Doono Deegaannadooda
Hargeysa(Qaran news)- Siciid Caare ayaa sheegay in dalka ay ka jirto xaalad dagaal.
Waxana ugu baaqay dadka deegaankiisa inay ka sii diyaar garoobaan wax uu ku tilmaamay dagaal ay rag ugu talogaleen inuu aakhirka ku dambeeyo deegaannadooda.
“Dagaalka dalka ka jiraa, wuxuu ku dambayn doonaa aniga. Rag baana ugu talo galay oo innagu dambaysiiyay,” ayuu yidhi Mr. Caare.
Col. Caare wuxuu sheegay in mustaqbalka dagaalka uu garanayo loona baahan yahay in loo diyaar garoobo oo loo sii hub urursado.