Writen by Qaran News |

Cabashada gaamuurtay ee dagaalka Israel & Falastiin hurisay

Nin Falastiini ah oo farta ku fiiqaya boolis Israa'iili ah oo ku sugan magaalada Quddus

XIGASHADA SAWIRKA,REUTERS

Qoraalka sawirka,Xaaladda ka soo cusboonaatay Quddus ayaa cirka isku shareertay bishii la soo dhaafay

Rabshadaha cusub ee u dhaxeeya Israa’iil iyo Falastiiniyiinta ayaa salka ku haya cabashooyin muddo dheer soo taagnaa oo labada dhinac u dhaxeeya xaal waarana aan loo helin ayaa markale colaad horleh hurisay.

Waa nabar aan bogsan oo ku yaalla bartamaha Bariga Dhexe waana sababta keenta iney dhacaan iska horimaadyo fool ka fool ah oo markii dambe isu beddelay gantaallo la soo rido, duqeymo dhinaca cirka iyo dhimasho.

In wararka ku saabsan isku dhacyada ay ka maqnaayeen boggaga hore ee warbaahinta, kama dhigna in aysan jirin wax isku dhacyo ah ama xaaladda ay dantay. Arrimihi taagnaana ma jiraan wax iska baddalay sida oo kale nacaybka iyo cabashooyinka gaamuuray ee sanadaha badan soo taagnaa waxay jiilal badan u horseedeen dil iyo dhibaatooyin fara badan.

In ka badan hal qarni Yahuudda iyo Carabta waxay ku hardamayeen sidii ay u hanan lahaayeen dhulka u dhaxeeya Webiga Urdun ilaa iyo Badda Mediterranean. Israa’iil waxay Falastiin u geysatay jab isdabajoog ah tan iyo markii ay xornimada qaadatay ee 1948-kii, balse wali Israa’iil ma gaarin guul kama dambeys ah.

Inkasta oo khilaafka qotoda dheer ee laba dhinac u dhaxeeya uu sii socdo. Midda la hubo ayaa waxay tahay in dhowrki sanaba mar ugu yaraan iney dhacaan qalalaasooyin rabshada wata. Iska horimaadyada 15-kii sana ee ugu dambeeyey labada dhinac dhexmarayey badanoodna waxay ka dhacayeen xeyndaabka kala qaybiya Qaza iyo Israa’iil.

Balse wakhti xaadirkan rabshadaha ka dhacay magaalada Qudus iyo goobaha barakeysan ee ku yaalla ay leeyihiin awood ay ku sii huriyaan rabshadaha taagan.

Magaalada muqaddaska u ah Kirishtanka, Yahuudda iyo Muslimka xaalkeedu ma aha mid diineed oo keli ah. Goobaha barakeysan ee diimaha Yahuuda iyo Muslimka waxay magaaladaasi ka yihiin astaamo muuqda. Waxaana u dhaxeeya masaafa aad u yar oo qofki dhagax tuura uu la gaari karo. Kaniisadda Sepulchre oo ay si aad ah u xurmeeyan Falastiinyiinta Misiixiyiinta ahna waxay ku taallaa meel aan ka fogeyn goobta ay ciidamada Israa’iil wax ku baaraan.

Rabshadahan ugu dambeeyeyna waxyaabaha kiciyey waxaa ka mid ah hanjabaado loo soo jeediyey Falastiiniyiin deggan xaafadda Sheekh Jarrah in guriyahooda laga saarayo. Xaafaddaasi oo ah mid ay Falastiiniyiintu ay deggan yihiin oo ka baxsan darbiyada magaalada Qadiimiga ah, oo ay sheeganayaan kooxa Yahuud ah oo tagay maxkamadaha Israa’iil.

Israa’iil ayaa qorsheyneysa magaalada Qudus iney noqoto magaalo Yahuudda ugu badan lagu beero. Israa’iilna sanado isxigxiga waxay dhulka ay xooga ku qabsatay ee Falastiin ay ka dhistay deegaanno dadka Yahuudda la dajiyey taasoo la sheegay iney ka horimaneyso shuruucda caalamka u yaalla.

Sanadihii ugu dambeeyeyna dowladda Israa’iil iyo Yuhuudda deegaameynta loo sameeyey oo iskaashanaya waxay ka shaqeynayeen si dad kale oo Yuhuud ah loo soo dejin lahaa deegaannada Falastiiniyiinta ee ku dhow darbiga magaalada Qadiimka.

Deegaameyntan oo ku taalla Maale Adumim, oo ka tirsan Daanta Galbeed oo ay Israa'iil qabsatay 18-ka June, 2019

XIGASHADA SAWIRKA,REUTERS

Qoraalka sawirka,Deegaannada Yahuudda ay ka qabsatay Falastiin oo ay deegaanno uga sameysay dadka Yahuudda.

Intaa waxaa dheer dhawrkii toddobaad ee la soo dhaafay waxaa si weyn iisu fara saaray Booliska Israa’iil iyo Falastiiniyiinta inta lagu guda jiray bisha Ramadhaan, waxaana ka dhashay in masaajidka Al-Aqsaa gudihiisa lagu tuuro bamka qarxa ee naxdinta badan leh, masaajidkaasi oo ay Muslimiintu aad u xurmeeyaan marka laga reebo Maka iyo Madiina.

Ururka Xamaasna wuxuu qaaday tallaabbooyin kaddib markii dalabkoodi ahaa ciidamada Israa’iil iney ka baxaan agagaaraha masaajidka Al-Aqsa iyo xaafadda Sheekh Jarrah kaddibna waxay magaalada quddus ku soo rideen gantaallo tira badan.

Ra’isul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu wuxuu bartiisa Twitter-ka uu ku qoray “Ururrada argagaxisada ee Qaza iney khadka cas soo dhaafeen…Israa’iilna awoodda ugu sarreyso ay uga jawabeyso”.

Wariyaha BBC halkaasi uga soo warrama ayaa Isniinti i weydiiyey xilli ay rabshaduhu billowdeen, waa goortee xilligi ugu dambeysay oo laga raja qabay iney labada dhinac gaaraan xal nabad u horseeda. Waxaan magaalada Qudus anigu ku noolaa 1995-2000 marar badanna waa ku soo noqnoqday.

Su’aashi aan wariyaha weydiiyey jawaabta ku habboon in loo helo wey adagtahay. Heshiiska ugu rajada wanaagsan ee la xusi karo wuxuu yahay geeddi socodki nabadeed ee Oslo ka dhacay 1990-kii waxaana heshiiskaa xusuusan kara oo keli ah dadka ay da’doodu 40 jirka tahay ama ka weyn tahay.

Hoggaamiyeyaasha labada dhinac waxay u halgamayaan dagaalladooda siyaasadeed ee gudaha, iyagoo xoogga saaraya sidii ay u illaalin lahaayeen jagooyinkooda, marka arrinta ugu weyn ee hoggaamiye kasta oo Falastiini ah ama Israa’iil ah ay tahay inay nabad timaaddo. Caqabadaas ayaana ah mid aan sanado badan wax laga qaban.

Qoraalka Muuqaalka,Magaalada Quddus ee qadiimka ah maxaa muhiim ka dhigay?

Fikradaha cusub ee yididiilada leh ee haatan soo baxayana waxaa ka mid ah, warbixinno ay laba hay’adood oo caan ah ay soo saareen oo ay ku sheegeen in mudnaanta kobaad la siiyo xuquuq siman iyo nabadgalyo siman sidi ay Falastiin iyo Israa’iil looga heli lahaa, fikirkaasi oo ah mid wanaagsan oo soo dhaweyn mudan.

W/D : Jeremy Bowen

Tifaftiraha Bariga Dhexe ee BBC-da