Cabdiqaadir Jirde oo shaaciyay in Madaxweyne Muuse Biixi uu dalka burbur u Horseedayo
Hargeysa(Qaran news)- Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde, ayaa sheegay in aanay talo kale ku hadhin Madaxweyne Muuse Biixi oo dalkuna baa’bi karo haddii uu dib u soo noqdo.
Siyaasi Cabdiqaadir jirde wuxuu sheegay in Muuse Biixi ay aqoontiisii dhaafi weyday halka uu maanta dalka dhigay, isla markaana aanu tallo qaadan, tiisana isku bixin karin.
Siyaasi Cabdiqaadir Jirde wuxuu sidaas ka sheegay xaflad xisbiga WADDANI ku qabsaday Gabiley. Waxaanu reer Gabiley uu u soo jeediyay inay hormuud ka noqdaan inay ka horyimaadaan oo ay runta u sheegaan Madaxweyne Muuse Biixi oo uu ku eedeeyay in la ogyahay halka ciidamadii marayaan iyo dhaqaalihii dalka oo taxadka tagay.
Sidoo kale wuxuu reer Gabiley u soo jeediyay inay doortaan murrashax Cirro oo uu tilmaamay inuu yahay inuu yahay hoggaamiye talada qaata.