Cadho ka dhalatay hadal uu wasiir Ka tirsan Dawlada kenya ku yidhi Haweenay Muslim ah+Muqaal

Wasiirka waxbarashada Kenya

Hoggaamiyayaasha Muslimiinta Kenya ayaa ku baaqay in xilka laga qaado wasiirka arrimaha waxbarashada ee Kenya, George Magoha, oo lagu eedeeyay inuu hadal qadaf ah uu ku yiri gabadh Muslim ah oo u shaqeysa telefishinka NTV ee Kenya laga leeyahay.

Muuqaal si weyn loogu baahiyay baraha bulshada ayaa la arkayay wasiirka oo weydiinaya gabadha weriyaha ah qofka ay tahay ka hor inta uusan ka jawaabin su’aal ay weydiisay.

“Marka hore halkeed ka timid? Yaad mataleysaa? Maxaa yeelay haddii aad Al Shabaab ka socoto, kama jawaabi doona su’aashaada,” ayuu yiri wasiir Mogoha.

Wuxuu ku sugnaa iskuul lagu magacaabo Pumwani Boys oo ku yaalla meel u dhaw xaafadda Islii ee magaalada Nairobi.

Guddoomiyaha Golaha Sare ee Muslimiinta Kenya Xasan Ole Naado ayaa cambaareeyay hadalka wasiirka oo uu ku tilmaamay mid “nasiib-darro ah.”

Halkan ka Daawo warka wasiirka oo Muqaal ah:-

Naado ayaa ugu baaqay dowladda inay si deg deg ah tallaabo uga qaaddo wasiir Magoha.

Wuxuu ka dalbaday in dhammaan hoggaamiyayaasha ay door ka qaataan kobcinta nabadda kana fogaadaan hadallo kicin kara rabashado gaar ahaan xilligan lagu guda jira u diyaargarowga doorashada Kenya oo lagu wado inay dhacdo 9-ka bisha Agoosto.

Qaar ka mid ah dadweynaha isticmaala baraha bulshada gaar ahaan Twitter-ka ayaa sidoo kale cambaareeyay wasiirka.

Rehema Zaid, ayaa yiri, “Waa arrin murago leh.  Malaha wasiirku kama uu warramo dadaallada socdo ee looga hortagaya xagjirnimada iyo takoorka. Qiyamkaasi waxaa ka mid ah inaan qof lagu takoorin diintiisa ama qabiilkiisa.”

Francis Onyikwa, ayaa yiri,  “Waa khalad arrintan. Taasi beddelkeeda waxay ahayd inuu dhiirageliyo nabadda iyo xasiloonida.”

Maxamed Axmed, ayaa yiri, ” Kuwa garab taagan wasiirka oo u sacabba tumaya, iyagana masuuliyad maysan muujin.”

Waxaan sameynay iskuday aan kula xiriirnay wasiirka iyo gabadha weriyaha ah, balse wali inooma suuragelin inaan jawaab ka helno labadaba.