Caqligii Aadan: Yaa Wax I Ga Qaadi Kara?

Dhawaan waxa riyooday Axmed Gurruujje, waa Xildhibaankayga oo saaxiibkay na ah. Riyo samo talis ah ayay ahayd, laakiin caqligii Aadan Galaydh riyo la gu ma xallin karo. Ninkii Dhulbahante ee Aadan Galaydh, oo lahaa kun halaad oo geel ah, markii inankiisa Cumar-aji la odhan jiray uu dilka geystay, hashii keliya ee ka ga soo qaybtay markii tolku magta qaybsaday, muxuu u diiday in uu bixiyo? Waanu doonayn in uu bixiyo. Oo waayo? Sabab kasta oo ay ahayd in uu hasha u bixiyo ayaa hortiisa taalay ee maxaanu u doonayn in uu bixiyo? Oo tolkii 99 ka halaad ee kale bixinaayay maxay ninkaas qaldan u la qaldameen ee iyaku hasha kale na u gu dari waayeen? Hadiiba ay se ku daraan, qolada magta la siinaayay ma qaadan lahaayeen, kibirka Aadan se dawo ma u noqon lahayd?
Geesta kale, qolada ninka la ga dilay, iyaku ninka tiisii baa dhamaatay ee hadii qoladii dhiigu fadhiyay ay is af garan waayeen, oo bixintii magta ku heshiin waayeen, laftoodu maxay samir isaga qaadan waayeen? Maxay inta nool u gu talin waayeen ninkii dhintay dhimaye. Hadiiba se sidaas xaal noqday, oo aakhirkii la is faro saaray, ee odaygii hasha diiday la gu dhaawacay dagaalkii u horeeyay ee sababtaas darted u dhacay, markii ay naftu ka sii gurmaysay muxuu u yidhi – Aduun I khatal. Markii aan tamar hayay na talo ma hayn, manta oo aan talo hayo na tamar ma hayo. Ma doqon buu ahaa? Ma ka run baa in aanay taladaasi u muuqan markii uu tamarta hayay, ee hasha bixinteeda diidanaa?
Su’aalahaas oo dhami, ta u horaysa marka la ga reebo, wax micno ah ma laha, maxaa yeelay taas uun bay ka farcameen. Ta u horaysa lafteeda na, furfurkeedu ma adka oo kibir ayay salka ku haysay. Kibirku dadka caqliga iyo xikmadda ayuu ka kaxeeyaa, intaas wax aan ahayni na Aadan Galaydh ma haynin. Aadan waxa ay la noqotay, in uu qalad sidaas u weyn samayn karo, oo la tegi karo. Yaa wax I ga qaadi kara! Maanta Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin oo gacanyarihiisa ah baa halkaas taagan. Muuse doorashadii madaxtooyada ayuu diiday, mid aan sharci ahayn oo aan la is la ogolayn na Khasab baan ku qabanayaa ayuu leeyahay. Maxamed Kaahin saddex jeer ayay baarlamaanku u yeedheen, labadii jeer ee hore dib ii gu dhiga ayuu soo yidhi, markii saddexaad na, maba is ku hawlin xataa in uu u soo jawaabo. Waa tii uu dhawaan sida aftahamada leh u faahfaahiyay Xildhibaan Gurruujje. In aan qalad weyn samayn karo, oo aanay cidina waxba I ga qaadi Karin, baan idin tusayaa ee arka weeye. Haa, sidaas weeye arrintu ee wax kale ma aha. Si kale hadii loo dhigo, Muuse iyo nimanka agg joogaa sida ay u dhaqmayaan waa uun caqliyadii Aadan Galaydh uun oo suudh soo xidhatay! Yaa wax I ga qaadi kara?
Marka ay sidaas tahay, anigu waxa aan odhan lahaa, Muuse iyo inta sidaas ku taageersan talada ha loo daayo. Faraha ha loo ga qaado meel fog ma geynayaan oo waan hubaaye. Hadii aan sidaas la yeelayn, si walba way u cadeeyeen in ay kibreen, ee sidii ninka kibra loo la dhaqmi jiray ha loo la dhaqmo. Ma wax saddexaad baa jira? Haa, wax saddexaad waa jiraan – waa waxa uu Xildhibaan Guruujje hadba ku riyoodo. Dee riyo xun ba ma aha – waxa weeye, ninku ciidan iyo cudud buu haystaa oo tamar kale ma jirtee aan tiisa is ka yeelno si kastaba sharci darro iyo kibir ha u ahaatee. Ma ba xuma runtii, laakiin waa riyo uun. Dhedo roob noqon weyday.
Waxa Qoray:-