Carab dalab leh, lug dalab leh la ga garan og ku dhaha Maayarka Hargeysa……Maxamed Biixi.

 
Qoraal xalay aan baahiyay, oo dadqalnimadii qorshaysnayd ee shalay Somaliland gees-ka-gees ka dhacday ku saabsanaa, ayaan Meeyar Cabdikariim ku canaantay. Hargeysa wixii ka dahcay iyo warkii uu isagu ka baahiyay TV ga Muuse Biixi, )EX National TV), baa umadda oo dhan isu qaban waayay. Hadana xalay qoraal gaaban buu Meeyar ku soo digay bartiisa facebook. “Muuqaalka gaaban ee meelahaas la wareejinaayo, intii aanay waxba dhicin baan jeedshay…” buu soo qoray! Aniga oo ka xun, weliba aad iyo aad, in uu Cabdikariim sidaas ku dambeeyay, waxa aan mar kale cambaaraynayaa in qoraalkaasi uu ka sii xunyahay, oo ka dhaliil badanyahay warkii TV ga uu mariyay.
Soomaalidu waxa ay tidhaahdaa, hadal dalab leh, lug dalab leh la ga garan og. Qof kasta oo in yar oo caqli ahi ku duuganyahay, dhab buu u garan karaa in hadalkaasi qalad yahay, Cabdikariim se wuu u badheedhay. Eeg, ma waxa ay ku la tahay in uu Cabdikariim garan waayay horta wax yar sug, oo u fiirso sida ay wax u dhacaan iyo dhacdooyinka socdaa Meesha ay ku dambeeyaan? Taas dameero loo sheeg. Cabdikariim kii aynu naqaanay nin intaas garan waaya ma ahayn, ma na aha! Wiilasha TV ga Muuse Biixi jooga iyo kuwa nabadsugiddu, muuqaalkaas si waalan ayay u baahiyeen, waxayna baahiyeen ka dib markii uu dhacay gumaadkii qorshaysnaa ee ay diyaariyeen. Iyaku muraad ayay leeyihiin ee isaga muraadkiisu muxuu yahay? Waan is ka hadlay subaxdii hore intii aanay waxba dhicin, cid ka siisanaysaa Meeyaroow ma jirto ha ba yaratee.
Is ku soo wada duub, wixii shalay dhacay cid kasta oo is ku dayda in ay khafiifiso, ama ka baayac mushtarto, amaba badheedh u taageerto dadqalada, amaba carab dalab leh ku hadasha, ee eedda dhinacyada u sinta iyada oo og in aan la wada lahayn, ilaa aakhiro waa nacdalantahay ee ogaada. Chief Dasmand Tutu gii South Afrika, ayaa la ga sheegay – in aad dhexdhexaadnimo sheegatid marka dulmi iyo dulmi diid is hayaan, waxa ay ka digantahay in aad daalinka la safatay. Xabad nool in dadka badheedh loo la dahco, oo shicibka la laayo, iyada oo la awoodo in la nabad geliyo ilaa inta ay guryahooda ku noqonayaan ee farintooda gudbinayaan, waa khad cas, waana dembi weyn.
Waxa Qoray