Cashar taariikheed: Aqoonsiga Somaliland, Soohdintii Ingiriis, Dagaalka Laascaanood iyo Jabnaanta Doodda Gaagaale!

Magaalada Laascaanood iyo deegaamada ku xeeran, waxa ka socda dagaal aad u qadhaadh oo khasaare badan. February 6deedii ilaa 18ka March ee sanadkan (waa todoba usbuuc), waxa dhintay dad kun qof ka badan oo dhinacyada dagaalamaaya iyo shicib ba isugu jira, kumanaan kale ayaa dhaawacmay, tobanaan kun oo shicib ah baana guryahoodii ka qaxay. Hadaba, sababtu maxay tahay? Dadka Somaliland ee xukuumadda taageersan iyo kuwo aan taageersanayn ba waxa ay qabaan, in Laascaanood ilaa xadkii isticmaarku ka tegay gacan ku hayntoodu ay shardi muhiim ah u tahay ‘aqoonsiga’ Somaliland, kaas oo cid ku mashquulsani ba aanay jirin. Xataa 30ka sanno ee Somaliland ay jirto, marnaba la ma dejinin qorshe qoran (recognition strategy), loo maro gaadhista aqoonsiga. Taasi kaftan ma aha ee waa dhab.

Hadaba, maxaa ka run ah Laascaanood gacan-ku-haynteedu in ay aqoonsiga shardi muhiim ah u tahay? Eeg, Somaliland sanado badan baanay Laascaanood gacan ku haynin, in ka sii badan na waa ku haysay, aqoonsigii ma soo dhawaaday, mise waa sidii hore uun? Hadii la cadeeyo in Somaliland la aqoonsanaayo bilaa Laascaanood, Somaliland meeshaas faraha ma ka qaadaysaa? Taas caksigeeda, hadii la cadeeyo Laascaanood joogitaankeeda iyo maqnaanteeda toona in aan Somaliland la aqoonsanayn, faraha ma la ga qaadayaa mise waa maya? Si kale haddii loo dhigo, Laascaanood ma sabab cayiman ayay Somaliland u danaynaysaa, mise sabab iyo sabab la’aan ba waa danaynaysaa?

Su’aalahaas jawaabtooda inta aynaan u gelin, aan eegno qayb kooban oo aan ka soo qaaday qormo uu sameeyay nin ka mid ah dadka aqoonsiga Somaliland qaladka ka fahamsan, meelaha qaldan na ka baadhaaya. Waa nin la gu magacaabo Ibraahin Xassan Gaagaale, oo qoraal ingiriisi ah ku soo bandhigay doodda ay qabaan dadka Somaliland in badan oo ka mid ah, taas oo ah dood si walba iu jaban. Waa is la doodda ay ku fadhido difaacista dagaalka Laascaanood iyo sii wadista dhiiga sida daadka u qulqulaaya. Gaagaale waxa uu qormadiisa ku soo xidhay intan, waana in ka turjumaysa doodda qormada oo dhan. FG: qoraalku ingiriisi ahaan si aad u wacan ma u qorna, markaa waxa aan ku dadaalay in aan ujeedkiisa ama dulucdiisa fahmo, dabeeto Soomaaliyeeyo, waana tan:

• “Colonial borders of Africa are unalterable and all are based on land. So are Somaliland borders. Somaliland territory cannot be divided, its colonial borders inherited from Somaliland British Protectorate cannot be altered or changed and tribal borders cannot be drawn in Somaliland to destroy its sovereignty and its territorial colonial borders. People can leave Somaliland Republic but a span of its territory cannot be taken away. Somaliland achieved independence before Somalia gaining international recognition on June 26, 1960. Somaliland recognition is a right like any other African country based on its own British colonial borders.”

• Xuduudihii isticmaar ee Afrika ma aha kuwo la bedeli karo, waxaanay ku salaysanyihiin juquraafi dhul ahaaneed, xuduudaha Somaliland na kuwaas uun bay la mid yihiin. Dhulka Somaliland la ma qaybin karo, soohdimihiisa oo ah kuwii la ga dhaxlay Maxmiyaddii British Somaliland na la ma bedeli karo, soohdimo qabiil ku salaysan na dhexdiisa la ga ma samayn karo, si loo burburiyo madaxbanaanida qaran ahaaneed iyo xurmada dhul ahaaneed ee ku salaysan soohdimihii isticmaarka ee Somaliland. Dadku hadii ay doonayaan waa is ka ga tegi karaan Jamhuuriyadda Somaliland, laakiin masaafo yar oo ka mid ah dhulka la ma qaadan karo. Somaliland waxa ay xornimo heshay ka hor Soomaaliya, waxaanay ku beegnayd 26 June, 1960kii. Aqoonsiga Somaliland waa xuquuq la mid ah midda waddan kasta oo Afrika ahi haysto, taas oo ku salaysan soohdimihii gumaysigii British ka.” Dhamaad.

Hadaba, sida qormada ku soo noqnoqotay, meelo kale oo badan na la ga sheego, tiirdhexaadka dooddu waa xuduudkii isticmaar iyo in aan la bedeli karayn, xuduudaha Afrika oo dhami na sidaas yihiin; iyo in aqoonsiga Somaliland uu shardi muhiim ah u yahay. Qoruhu waxa uu qaybaha hore ee qoraalkiisa daliil ahaan u cuskaday, qaraarkii madaxda Midowga Afrika ay 1964kii ku gaadheen in aan soohdimihii isticmaarka ee Afrika waxba la ga bedelin. Shirkaas 1964 oo go’aamadiisa loo yaqaanno Bayaankii Qaahira, waxa ku kulmay 33 hogaamiye oo Afrikaan ahaa, qaraarkaas soohdimaha na waxa shirka keenay Madaxweynihii waagaas ee Tansaaniya oo ahaa Wadaad kiniisadeed oo la odhan jiray Julias Nayreri.

Madaxweynaha Tansaaniya in uu qaraarkaas shirka keeno waxa ku riixaayay, oo daaha gadaashiisa ku jiray, Boqorkii Xayle Salaase ee Itoobiya, oo ay beryahaas si daran Soomaalida dhul isugu hayeen. Boqor Xayle ma doonayn in loo arko in uu qaraarkaas danihiisa ku ilaashanaayo, sidaas baanu Nayreeri oo ay saaxiib ahaayeen u gu dhiibtay. Marka soo jeedinta qaraarkaas shirka la keenaayo 1964kii, laba waddan oo Afrikaan ah ayaa iyaku soohdimihii isticmaarka bedelayba. Sinsibaar iyo Tankaniika waa is ku darsameen oo Tansaaniya ayay noqdeen, Somaliland iyo Italiyan Somalia na waa is ku darsameen oo Jamhuuriyadda Soomaalida ayay noqdeen.

Hadaba, qaraarkaas oo sumaddiisu ahayd – AHG/Res. 16(I), soo na baxay 21 July, 1964, ma odhan wadamada xuduudihii bedelay ha ka noqdeen, maxaa yeelay soohdin bedelku waa ka horeeyay qaraarkaas OAU da. Sida caadiga ah, xeer walba waxa la gu dabaqaa xaaladaha ka dambeeya goortii uu soo baxay, hadii la doonaayo dhacdooyin xeerka ka horeeyay in uu saamayn ku yeesho na, qaraarka waxa la gu daraa qodob sheegaaya in dhaqangalka qaraarku uu ka soo bilaabmaayo wakhti hore, oo ka horeyay goorta uu soo baxay, qaraarkaas caanka ah ee madaxda Afrikaanku na sidaas ma sheegin. Sidoo kale, qaraarkaasi ma khuseeyo hadiiba laba waddan oo ka la madax banaani ay go’aansanayaan in ay is racaan oo soohdimahooda bedelaan, amaba waddan midaysani uu ka la baxaayo oo soohdimo cusub abuuraayo, sidii Suudaan iyo Koonfur Suudaan oo kale.

Sidaas darted, doodda qormadan aan ka hadlaynaa waa jabantahay, maxaa yeelay xuduudaha Afrika ee uu leeyahay la ma bedeli karo, waa la bedelay oo la bedelay marar badan. Sidoo kale, is bedelo kale na waa ku iman karaan, waa se hadii jid sharci ah loo maro. Qaraarkaas OAU da ee 1964kii waxa cuskan kara uun dawlad gobol amma gobollo ka mid ahi ay doonayaan in ay ka baxaan, si aan sharciga waafaqsanayn amaba aan heshiis la gu ahayn. Sababtaas weeye ta hor taagan aqoonsiga Somaliland. Xataa hadiiba la aqoonsanaayo, Khasab ma aha xuduudku in uu noqdo kii 1960kii la tirtiray, oo sharciga caalamiga ah aan manta meelba ka ga jirin, laakiin se taariikh ahaan u jira.

Aqoonsi ay Somaliland hesho waxa shardi u ah, in kasta oo dadka qaarkii ay is diidsiiyaan, Muqdisho iyo Hargeysa oo ku heshiiya in ay ka la baxaan. Markaa hadii ay taas is la ogolaadaan, xadku waxa uu noqon karaa meel kasta oo ay is la gartaan, Midowga Afrika iyo caalamka oo dhami na in uu aqbalo wuu ku khasbanyahay. Intaas hadii aynu is la fahamno, waxa aynu is la garan karna dhiigga ku daadanaaya Laascaanood in aanu lama huraan iyo Khasab toona ahayn. Laascaanood in ay Somaliland ka mid ahaato aqoonsiga Somaliland ma soo dhaweynayso, in ay maqnaataa na ma fogaynayso, maxaa yeelay soohdintii Ingiriis ka tegay sharci ahaan ma u jirto, waxaanay taasi la mid tahay in aanay abidkeedba jirin. Soohdintaas waxa tirtiray distoorkii 1961 la ansixiyay oo Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ba ay aqoonsadeen. Doodda ah Reer Somaliland aqlabiyaddoodu in ay distoorkaas diideen, waxba ka ma bedelayso meelmarnimada distoorkaas, maxaa yeelay dadka Somaliland gaarkooda aftida loo ga ma qaadin. Dhegalaay wax maqal!

Soon wanaagsan.

Maxamed Haaruun Biixi