Casharadii ku duugnaa Ansixintii Komishanka, Waxyaabaha ka dhalan kara iyo taalloobiyinka xigi kara
1-In madaxweynuhu dib ugu celiyo xubanaha uu magacaabay ee labada ah, Xubinta Guurtida waxa dhici karta in la soo bedello.
2- Arrintan waxa ay kala fogeyn kartaa Siyaasiga saameynta weyn ku dhex leh Golaha Wakiillada ee Maxamuud Xaashi iyo Madaxweyne Muuse Biixi, oo muddooyinka isu soo dhawaanayey, balse aan weli waxba isla meel dhigin.
3. Qoyska Madaxweyne Siillaanyo iyo Maxamuud Xaashi oo loo tumayo Xildhibaannada ay taageeraan ayaa laga yaabaa in ay xidhiidhkoodii saamaysto.
4. In Masuuliyiinta Xukuumadda ee ka soo jeeda Bariga Burco ay ku fashilmeen inay kala jebiyaan derbigii iyo Xildhibaannadii deegaankooda ee diidanaa Ansixinta Muuse Xasan.
5. In Mucaaradka ku kala jabeen ansixinta Xubintii Waddani soo magacaabay oo qaarkood diidanaayeen in la ansixiyo.
6. Xisbiyada Mucaaradka iyo Xukuumadduba si isku mid ah ayey u doonayeen in la ansixiyo Xubnaha Komishanka