Che Guevara: Maxamed-cali gii Kuubba!

Maanta oo kale (9 October) 55 sanno hortood, ayaa la dilay Che Guevara! 8 October ayay qabteen ciidanka Bolivia isaga oo hor kacaaya koox jabhad ah, ka dib markii ay sida la sheegay, xog ka heleen sirdoonka Maraykan, maalintii xigtay na, rasaas ayaa la gu dilay isaga oo 39 jir ah. Givara si loo xiqiijiyo dilkiisa, labada gacmood ayaa cadayn ahaan loo ga soo jaray, waxaana la gu aasay xabaal aan la calamaadin. Soddon sanno ka dib dilkiisii, oo ku beegnayd 1997kii, ayaa hadhaagii maydka Guevara la ga helay Bolivia, si sharaf leh baana loo gu aasay Kuubba, halkaas oo Madaxweyne Fidel Castro iyo kumanaan shacbi ahi ka ga qayb galeen duugtiisa. Maalintii dilkiisu (October 9, 1967), mid madow ayay u ahayd jabhad kasta oo xaq u dirir ah iyo cid kasta oo kibir iyo adiyad ka dhiidhiyaysay caalamka guud ahaan! Dad ka la duwan, oo ka la af, dhaqan iyo diin ah baa u baroor diiqay dhimashada halyaygaas. Hadaba, Guevara qofkee buu ahaa? Muxuu taariikhda ku galay? Doctor Guevara, horayso iyo dambayso ba jabhad buu ahaa, Latin-America ilaa Afrika na, waxa uu ku la dagaalamay kuwa dhergay iyo dhiig-miiratada. Malahayga, dhinaca Soomaalida waxa dhigiisa ahaa Maxamed-cali. Noloshiisa oo dhan jabhad buu ahaa – la ga soo bilaabo Falastiin iyo Suuriya ilaa Itoobiya inta ka dhex leh, ayuu xabad xaq-u-dirirnimo ka riday, aakhirkii na ku dhintay Madheera 1988kii. Dr. Ernesto Rafael Guevara de la Serna, 1928kii ayuu ku dhashay Argentine. Qoys ladan buu ka soo jeeday, waxaanu Jaamacadda Buenos Aires 1953kii ka qaatay Digriiga 1aad ee caafimaadka. Ka dib, wadamada Koonfurta Maraykan ee saboolka ah ayuu badankood ku galaa-bixiyay safar uu adeegsanaayay motto ama dhugdhugley, waana halka ay ka unkantay iniinta u horaysa ee fikirkiisa siyaasiga ahi. Dadkii danyarta ahaa ee qaaraddaas badankeed oo beerka dhulka ku haya, iyo isticmaarkii Yurubiyaanka (Isbaanish, Boortaqiis iwm), oo xoog u dhergey sidii ay dhiigga dadkaas u jaqaayeen baanu indhaha ku ka la qaaday. Maalintaas buu goostay in aanu salka dhulka dhigin ilaa danyartu xaqeeda hesho, kuwa dibiray iyo dhiig-miiratada na la muquuniyo. Balan uu naftiisa la galay buu ahaa, waanu fuliyay. Dadka marka ay wax arkaan aan dan iyo heelllo ka gelin, ee sidooda is ka ga dhaafa ma ahayn. Qofba abuurtiisu caynad gooni ah ayay tahay, Guevara na sidaas buu ahaa. Halgamaaga Che Guevara markii aan u gu dhawaa, waxa ay ahayd mar aan December 2014kii la kulmay inantiisa Dr Aleida Guevara. Aleida qudheedu waa dhakhtarad, waxaanay ka hawl gashaa cisbitaal caruureed ku yaalla Havana, oo la gu magacaabo William Soler. 8 sanno hortood habeenkaas aan Sheffield (UK) ku la kulannay, waxa ay noo ga sheekaysay aabaheed iyo saamaynta joogtada ah ee uu ku leeyahay nolosheeda iyo fikirkeeda. Xasuus-qorkiisii in ay akhrido oo aad moodid in uu dhab u la hadlaayo iyada ayay sheegtay, waanay ku camal fashaa. In badan ayay ka shaqaysay cisbitaallo Afrika ku yaalla, oo badbaadada caruur Afrikaan ah ay sabab u noqotay. Angola, Liberia, Ecuador, iyo Nicaragua meelo ay ka mid yihiin ayay si nafhurnimo iyo hagrasho la’aan ah u ga hawl gashay, tabtii aabaheed oo kale. Habeenkaas aan la kulannay, waxa ay ka soo noqotay shaqo ay u tagtay Liberia oo waagaas uu Ibolla ka dilaacay. Sida ay ku qortay buugeeda Chávez, Venezuela and the New Latin America, waxa saamayn weyn ku yeelatay shaqadii ay Angola gaar ahaan ka qabatay mar ay ka mid ahayd Koox dhakhaatiir Kuubaan ah oo meeshaas loo diray. Waxa ay qortay: “Badbaadada nafaha ubad badan ayaan ku guulaystay, marar aan waxba awoodi waayo na waa dhacdaa. Uur-ku-taalada iyo qoomamada ay taasi ku gu reebtaa, abidkeed xasuustada ka bixi mayso. Mararkaas oo kale tamar-darada aan dareemo, ayaa ah ta I gu dhiirisa in aan diido oo la diriro midab-takoorka, dhaqamada dhiigmiiradnimada ah ee aadmiga la gu la kaco, iyo wahsiga joogtada ah ee kuwa wax kasta sidooda ay yihiin is ka ga aqbala.” – (I managed to save many children’s lives, but sometimes I just couldn’t. The sorrow and regret stay with you forever. The impotence felt at the time motivates me to act against racism, the exploitation of human beings, and the frequent indolence of those who accept things as they are.) Is ku soo wada duub, tan iyo bilowgii dunida, iyo ilaa maalinta u dambaysa, gar iyo gardarro ayaa is garab socda, mid walibana dadkiisa ayuu leeyahay. Dadka gardarada u samaysan abuur ahaan, iyo kuwa luqunta hoos u dhiga ee is ka aqbala, labaduba waa abuur oo ma isu tag helayaan. Kuwa taas diida ee ka dhiidhiya, iyo kuwa ku taageera na, sidoo kale waa dhalan oo ma isu tag helayaan. Keliya waxa ka la duwan uun meelaha ay ku noolyihin, casriga ay noolyihiin iyo magacdooda, ee labada qolo ba gaarkooda ayay ehel u yihiin, oo ruuxdooda ayaa is taqaanna. Shaki la’aan, Che Guevara iyo inantiisa Aleida ba qolada dambe ayay ka mid yihiin. Mabda’ooda waxa la gu soo ururin karaa maansada Gaariye ee Mandeella: – Rag hadday murmaan, – Mabda’eenu waa, – Isagoon mugdiyo – Madmadoow ku jirin, – Maantiyo berriba – Malafsade ha dhaco; – Xalaal-maal ha jiro; – Dadku waa masee – Ha mudh-baxo cadligu!

 

Maxamed Haaruun Biixi