Hargeysa,,(Qaran news)-Ciidamadii ay xukuumaddu u dirtay aaga buurta Gacanlibaax ayaa fadhiisin ka samaystay degmada Go’oda halkaasi oo aan ka fogayn buurta Gacanlibaax ee ay saldhiga ku leeyihiin jabhada sheegtay in ay ka soo hor jeedo xukuumadda Muuse Biixi kuwaasi oo sii xoogaysanaaya maalinba maalinta ka danbaysa.
Wararku waxa ay xaqiijinayaan in laba askari oo ka tirsanaa kuwa dawladu ay buurta galeen isla markaasina ay isu dhiibeen Jabhadaasi.
Wax war ahi kama uu soo bixin xaga xukuumadda oo ku saabsan askartaasi ka goosatay ee ku biirtay jabhadaasi hubaysan mana aha markii u horaysay ee ciidan dawlada ka tirsani ay jabhadaasi ka soo dhex muuqdaan.
Shirkii golaha wasiirada ee shalay ayaa ay wararku sheegayaan in xukuumaddu ay aad arimahaasi uga hadashay.