Writen by Qaran News |


Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay dagaal, kadib markii ciidamada Kenya oo isu soo eekeysiiyay Al-Shabaab, wajiyadana soo duubtay ay gudaha magaalada usoo galeen.

CIidamdaan oo ku hubeysnaa ilaa seddax gaadhi oo kuwa dagaalka ah aya waxaa ka babanayay calanka Al-Shabaab, kadibna waxaa dhex maray iska horimaad ciidamada Somalia.

Weerarkaan ayaa waxaa ku dhintay Dhamme Maxamed Aadan Yusuf sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada Somalia.

Warar kale ayaa sheegaya in ciidamada Kenyaanka ee iska soo dhigay Al-Shabaab ay si badheedh ah u khaarijiyeen sarkaalka ka tirsanaa ciidamada Milateriga Somalia.

Kenya ayaa lagu eedeeyay inay sameysatay ciidamo gaar ah oo loogu yeedho kuwa la dagaalanka argagixisada, balse u adeegsada inay ku khaarijiso saraakisha Soomaaliyeed ee kasoo horjeeda faragelintooda iyo damaca dhul boobka.