Afhayeen u hadlay ciidanka booliska ee Somaliland oo la yidhaahdo Ibrahim Cabdi Xaaji ayaa ka warbixiyay dhibka ka dhashay mudaharaadkii maanta ka dhacay gobolada Somaliland.

Boolisku waxa ay sheegeen in ay mudaharaadkii maanta ciidamada boolisku dileen 3 qof oo laba qof ku dhinteen magaalada Hargeysa xaga qofka kale ku dhintay magaalada Burco, waxana uu sheegay in Hargeisa ay ku dhaawacmeen 21 qof xaga magaalda Burco ay ku dhaawcmeen 6 qof.

Waxa kale oo uu sheegay in ciidanka booliska ay rabshadahaasi kaga dhaawacmeen 62 boollis ah oo ku kala dhaawacmay Hargeisa iyo Buro

Ma jirto cid madax banaan oo arinkaasi xaqiijisa, hase ahaatee dhibkii maanta dhacay waxa uu ku eedeeyay xisbiyada mucaaridka ah.

Mudaharaadadani ayaa quseeya xukuumadda Muuse Biixi oo aan qaban doonin doorashada madaxweynaha oo lagu wado in ay dhacdo 13ka November ee sanadkani.