Writen by Qaran News |

Ciidamada liibiya oo 150 Tahriibe oo Soomaaliyi ku jirto ka soo furtay Ma-gafeyaal ku hayay Xeryo qarsoodiya

 

 

Ciidamada Amaanka Liibaya, oo weerar qorshaysan ku qaaday xabsi qarsoodi ah oo ku yaala koonfur-bari dalkaaasi liibiya ayaa ku guuleystay in badbaadiyaan 156 ruux oo ay 15-ka mid ah yihiin haween .

Hawlgalkan oo ka dhacay magaalada Kufra ayaa dhacay dhawr cisho ka hor oo ku beegan 16-kii Febraayo 2021, kadib markii mid ka mid ah tahribyaasha uu xabsiga ka baxsaday Uisbuucii lasoo dhaafay, iyadoo loo wareejinayo goob kale oo la doonayay in lagu xidho .

Muhaajiriinta la soo badbaadiyay oo u kala dhashay dalalka Soomaaliya, Eriteriya iyo Suudaan waxaana la dejiyay goobo amaan ah waxaana la siiyay raashin, dhar iyo bustayaal.