Waxa ayaan darro weyn ah in 30 sano kadib dhakhtarka weyn ee Hargeysa roobkii da’ay dadku u galay dadka bukaanka ah oo biyaha laga dhex dhurayay, taasi waxay muujinaysa dayaca iyo adeeg xumada ka jirta dhakhtarka.

Cisbitaalka Hargaysa guud ahaan ma jiro adeeg bilaasha oo ummadda si lacag la’aan ah ugu baxaa Marka laga reebo adeegga bukaannada kalyaha loogu sifeeyo kaas oo Miisaaniyadda Qaranka lacag loogu daro, inta kale dhammaantood waxa laga qaada lacag mana jirto lacagtaa wax lagaga qabto dhakhtarka gudihiisa ee waxay ku baxdaa faraha maamulka iyo xukumadda.

Cisbitaalka Hargaysa waxa uu isku bedelay goob ganacsi oo lacag laga sameeyo. waxa ugu danbaysay oo lacag laga dhigay parking-ka baabuurta la dhigto inta qofka xanuunsanaya lagu dawaynayo ama qofkaad soo eegaysay aad ku maqan tahay taas oo saacadiiba la qaado 5000kun oo shilin.

Maxaa keenay adeegga liita ee cisbitaalka Hargaysa ka Jira? dhammaan dhakhaatiirta iyo kaalkaaliyeyaasha cisbitaalka Hargaysa ma qaatan lacag ku filan oo ay xattaa naftooda ku kafayn karaan, laakiin waa naftood hurayaal qarankooda u adeega iyo bulshada cafimaadka u baahan intii karaankooda ah.

Tiro ka badan 900 oo shaqaale ah ayaa waxay qaatan bishii Kuna shaqeeyan lacag dhan 658kun oo shilin Somaliland ah taas oo cadaynaysa inaanay shaqaaluhu haysan wax ku filan ee ay niyad iyo qalbi wanaag ummadda ugu shaqeeyan. Hargaysa Kuma shaqayso lacag intaa leeg shaqaalaha ajanabiga ah ee ka shaqeeya xaafaduhu. Sidoo kale dumarka masaxa cusbitaalka ayaa bishii qaata 400 Kun Taas oo aan ahayn baska ay Soo raacdo labada galin

Sodonka sano ee Dhakhtarka Hargaysa Group gacanta aynu ku haynay wuxuu ugu liita oo ugu adeeg xun yahay intay gacanta ku haysay xukuumadda Kulmiye ee imika talada haysa.

Hoggaanka caafimaadka ee garabka dhalinyarada heer Qaran ee xisbiga WADDANI Mudane Ayaanle Maxamuud Cabdi