Saddexdii xubnood ee ka tirsanaa maleeshiyaadka Sool Barri ee Ciidanka Qaranka JSL ku qabtay Gobolka Sanaag ayaa lagu qabtay hawlgal qorshaysan oo ka dhacay deegaanka Jiidali.
Sida xogta la helay sheegtay, ciidanku waxay heleen xog ku saabsan dhaqdhaqaaqa kooxda iyo qorshe lagu bartilmaameedsan lahaa dadka rayidka ah, gaar ahaan xoolo-dhaqatada deegaanka.
Saddexda nin ayaa gacanta lagu dhigay iyagoo hubaysan, waxaana markii dambe loo gudbiyey magaalada Ceerigaabo, xarunta Gobolka Sanaag, halkaas oo ay hadda gacanta ugu jiraan ciidamada Somaliland.
Sultan Abdikarim





