Boqorkii Kubadda Cagta oo geeriyooday

Pele

Xiddigga kubadda cagta ee dalka Barazil ayaa maanta geeriyooday. Pele oo ay da’diisu ahayd 82 jir ayey dhawaan xaaladdiisa caafimaad liidatay, iyada oo uu la ildarnaa xanuunka kaansarka oo mandhaciirka uga dhacay.

Pele oo rekoor calami ah oo dhanka kubadda cagta dhigay 21 sano oo uu ciyaarayey kubadda cagta waxaa uu u saftay 1,363 ciyaarood, wuxuuna dhaliyey 1,281 gool isaga oo 77 gool oo ka mid ah ku dhaliyey 92 ciyaarood oo uu u saftay.

Wuxuuna ahaa ciyaartooyga keli ah ee seddex jeer ku guuleystay koobka Adduunka sanadii 1958, 1962 iyo 1970-kii.

Waxaana Pele sanadki 2000 ay Fifa u aqoonsatay inuu yahay xiddigga kubadda cagta ee qarniga.

Wuxuuna Pele sida oo kale laga daweynayey xanuun ka haleelay kalliyaha iyo xiniinyaha kaga dhacay.

Nascimento Pele oo seddax jeer ku guuleysay koobka adduunka sanadihii 1958,1962 iyo 1970kii ayaa isbitaalka Sao Paulo ee Alberto Einstein la dhigay 24kii november.

Inantiisa Kely Nascimento ayaa taageerayaashiisa baraha bulshada kula wadaageysay hadba xaaladda aabbaheed uu ku sugan yahay.

Pele

Maanta oo Khamiis ahna taageerayaasha aabbaheed Pele, kely waxay la wadaagtay sawir qoyska Pele oo dhan ay ku wada jiraan gacmahana ay dul dhigeen jirka Pele oo sariirta isbitaalka dul yaalla oo meyd ah.

Isbitaalka ciyaartooyga lagu dabiibayeyna waxay xaqiijiyeen geerida Pele, iyaga oo geeridiisa u sababeeyey xubno badan oo jirkiisa ka mid ah oo howshii gabay arrintaasina ay ka dhalatay cudurka kaansarka oo uga dhacay mandhaciirka.

Barta Pele uu ku lahaa Twitter-kana waxaa la soo dhigay: “Dhiirragelin iyo jaceyl ayaa caalamd u ah waayahii Pele, oo manta geeriyooday. Jacayl, Jacayl, Jacayl abid ah.”

Edson Arantes do Nascimento, oo loo garan ogyahay Pele, xiddignimadiisa waxay soo ifbaxday xilli ay da’diisu ahayd 17 jir dalkiisa Barzil uu ka caawiyey ciyaarihi koobka adduunka ee ay Sweden marti gelisay inuu hanto.

Wuxuuna dhaliyeey goolka keli (1-0) ah ee dalkiisa u horseeday inuu koobka qaado, ciyaarti siddeed dhamaadka uu dalkiisu la galay France wuxuu dhaliyey 3 gool iyada oo ciyaartu ay ku dhammaatay 5-2.

Pele marka ay da’diisu ahayd 15 jir wuxuu u ciyaarayey kooxda Santos muddo laba sana ah.

Pelé, oo loo arkay mid ka mid ah xiddigihii ugu wanaagsan ee abid cayaara kubadda cagta, ayaa usoo cayaaray xulka Brazil iyo kooxda Santos.

Inti uu kooxda Santos u dheelayey Pele wuxuu dhaliyey in ka badan 1,000 gool.

Pele

Waxa uu dunida kasoo muuqday isaga oo 17 jir ah, cayaarihii Koobka Adduunka ee 1958-kii lagu qabtay dalka Sweden, markaasi oo uu ahaa xiddiga ugu da’da yar.

Waxa uu cayaartii final-ka ee koobkaas ka dhaliyey 2 gool, xilli Brazil ay 5-2 kaga adkaadeen xulkii martida loo ahaa ee Sweden.

Waxaa Pele loo aaneeyaa inuu yahay cayaartoyga ugu weyn markasta, Wuxuu ka soo muuqday 14 jeer cayaaraha kama dambeysta koobka adduunka isago dhaliyay 12 gool, waxaana lagu abaalmariyay kubadda dahabahiga ee Fifa isagoo noqoday cayaartoyga ugu fiicanaa 1970-kii.

Laba kulan oo kaliya ayuu saftay dhaawacyo dartood, markii Brazil ay isla koobkii xigay ee adduunka ee 1962-kii ku guuleysteen, hase yeeshee wuxuu ahaa xiddiga Brazil ugu muhiimsan koobkii Adduunka ee 1970-kii ee Mexico oo sidoo kale ay ku guuleysteen Brazil.

Koobka Adduunka ee 2012-kii la qabtay Pele wuxuu kaga qayb galay isaga oo da’diisu tahay 21 jir, wuxuuna waddadiisa guushi uu ku billaabay ciyaarta dalkiisu ay la ciyaareen Mexico oo 2-0 ku dhammaatay 2-da goolna uu dalkiisu Pele u dhaliyey.

Guusha kale ee taariikhiga ahayd uu ka soo hoyey Pele waxay ahayd koobki adduunka ee 1966-kii Ingiriiska lagu qabtay, wuxuu Pele halkaa ka muujiyey ciyaar aad u qurux badan isaga oo noqday ciyaartooygi ugu wanaagsanaa dhanka weerarka, Kooxda Italy oo ay ciyaarta kama dambeysta isugu soo hareenna wuxuu ka dhaliyey 4 gool taasoo sababtay iney ciyaartu ku soo idlaato 4-1.

Guushi ciyaarta Koobka adduunka uu dalkiisu la yeeshay xulka Italy waxay Pele u ahayd farxad aad u weyn oo uu la ilmeeyey.

Pele

Tartan codeyn ah oo ay BBC Sport sameysay 2020-kii Pele waxaa loo doortay inuu yahay xiddigii ugu wanaagsanaa ee abid cayaara kubadda cagta, waxaa inta badan Pelé lala soo hadal qaadaa Diego Maradona, Lionel Messi, Cristiano Ronaldo iyo Johan Cruyff.

Pele waxaa si weyn looga xusuustaa sawirkiisa qaarka hore uu ka qaawan yahay xilligii dalkiisa uu ku guuleystay Koobki Adduunka uu martigeliyey dalka Mexico.

Ugu dambeyn, Edson Arantes do Nascimento, oo loo garan ogyahay Pele oo ahaa xiddigga kubadda cagta ugu wanagsanaa oo dunida soo mara waa uu geeriyooday balse magaciisu wuxuu sii ahaan doono mid aan laga illaawin goob kasta oo kubbad cagta lagu ciyaaro.

Pele