Colloowe Hayb-sooc Hanti-soocna ma loogu daray!.

Dib u uruurintii ama diwaan gelintii ummadii waxyeelada kasoo gaadhay ganacsigoodii dabkii qabsaday 01-04-2022 suuq weynihii Waaheen ee caasimada Somaliland ee Hargeysa, ayaa waxa kasoo yeedhaaya qaylo dhaan in ummadii Dabku wada qabsaday ee aanu ukala aabo yeelin ee ku shufbeelay in lakala Hanti-sooco!, waxa socota mag-dhow bixintii iyo diwaan gelintii shacabkii suuqa Waaheen ku ganacsanaayey ee ku waxyeeloobay, waxa se ka muuqda qaabka wax loo diwaan geliyey iyo qaabka wax loo mag-dhabaayaba in ay cunsurnimo qayaxani ka muuqato, waxa si cad oo ulakac ah indhaha laga lalinayaa Dad ka mid ahaa dadkii suuqa Waaheen ganacsiga ku haystay, Dadku isku jeeb iyo isku Hanti iyo isku ganacsi ma aysan ahayn se meeshu waxay ahayd suuq ruuxba wax ku ganacsanaayey oo nolol maalmeedka iyo masruufka qoyskiisa uu kalasoo baxaayey oo togba taagtii ayuu rogmadaaye shaqsi walba waxuu awoodo suuqa kaga shaqaysanaayey, waa Qadar ilaahay qadaray masiibadii suuqa Waaheen ku habsatay, se, wax laga xumaado waxa ah in qorshihii Dib uga kabashada dadkii ku kacay ama ku wax waayey dabkii qabsaday suuqa Waaheen in diwaan-gelintii aan lagu xusin ama lagu darin qayb kamid ahaa dadkii wax ku waayey masiibadii suuqa ku habsatay, iyada oo dadkaa ay u dheer tahay dad ahaan dhib aanay Ummada kale ee reer Hargeysa ama reer Somaliland qabin ay qabaan, taas oo ahayd Hayb-sooc iyo takoor u gaar ah oo cidkale oo reer Somaliland ahi qabin, halkii loogu soo jeedsan lahaa ee loo garaabi lahaa hadii Dhaqaale iyo Hanti takoor loogu daro waa wax laga xumaado, waa bishii barakaysnayd tobankeedii ugu danbeeyeye bisha barakadeeda hela e waxa aan usoo jeedin lahaa kana dalbanayaa Dadka gacanta ku haya wax u qabadka dadkii ku tabaaloobay Suuqii Waaheen Fadlan in ay wax u qabtaan il nugul oo gaar ahna ku eegaan Dadka ku wax yeeloobay masiibadii ku habsatay suuqii Waaheen ee ah Xirfadlaydii, farsamo yaqaankii iyo ganacsatadii Colloowe ee wax yeeladu kasoo gaadhay Suuqa Waaheen, oo Colloowe Hayb-sooc fadlan Hanti-soocna ha u raacinina.

Dun-Sanaanta Colloowe

Dul-Qaadkaad ka garataa

Fuad Fartaag

Fartaagmuwaadin@gmail.com