Baabasiirka waa cudur ku dhaca dad badan oo Soomaali ah, sababaha ugu weyn ee ka dhasha cudurkan waa isbaddallada dhanka cuntada iyo qaab nololeedka qofka.

Cudurkan oo saameyn ku haya dunida oo dhan, tusaale ahaan boqolkiiba 50 shacabka Hindiya waxay la daalaa dhacayaan baabasiirka, sida laga soo xigtay waaxda qaran ee diiwaanka arrimaha dawoooyinka.

Dr. Vani Vijay oo ah khabiir ku takhasustay cudurka babaasiirka ayaa BBC-da uga jawaabtay su’aalaha ku gadaaman cudurkan.

Maxaa sababaa baabasiirka?

Marka ay bararaan xiddidada dhiigga ee u dhaw qofka halka uu ka saxaroodo, markaa waxaa cadaadis xad-dhaaf ah la saaraa qulqulka dhiigga ee xiddidadaas, bararka ayaa ku bilaabmaya halkaas, waxaana jira sababo badan oo keena bararka xididdada dhiigga.

Xiddiddadan ayaa ah kuwa aad mashquul badan marka uu qofka saxaroonayo, waxaa laga yaabaa in qofka uu musqusha ku daaho, calool-istaag ayaa ka dhashaa arrintani, sidoo kale dadka qaar waxay isku arki karaan shuban joogto ah, miisaanka qofka oo korodho, qofka in uu iska yareeyo cabidda biyaha badan.

Waa waxyaabo si xoojiyo baabasiirka, Dumarka waxay aad ugu nugul yihiin calool-istaagga iyo baabasiirka xilliga ay uurka leeyihiin.

.

Qeybaha kala duwan ee baabasiirka

Cudurka baabasirka wuxuu ku dhacaa gudaha iyo dibaddahalka laga saxaroodo, qofka ay si daran u saameyso walaac xoogan ayuu kala kulmaa.

Mararka qaar waxaa dhacda in dibadda uu u soo baxo, wuxuuna qofka dareemayaa cuncun iyo dhiig-bax.

Dadka qaar uu ku dhaca cudurkan xiddidada dhiiga qaado ee goobta laga saxaroodo ayaa barara, waxaana laga yabaa in uu ku sameyso xijirowga dhiigga.

Dadka uu ku dhaco Baabasiirka

Cudurkaan wuxuu ku dhici karaa qof kasta. Laakiin wuxuu ku badan yahay dadka da’doodu u dhexeyso 20 ilaa 50.

Dadka ay da’doodu u dhaxayso 40’s iyo 70’s ee la kulma calool-istaagga ayaa qarka u saaran in uu ku dhaco baabasiirka.

Cudurkaan aad uguma badna caruurta, waana mid ka dhasha hab-nololeedka qofka gaar ahaan isbaddalka dhanka cunto cunista.

Talooyinka dhanka cuntada dadka qaba Baabasiirka

Dadka uu ku dhacay baabasiirka waa inay isbaddal ku sameeyaan cuntooyinka gaar ahaan marka uu cudurka ku hor leeyahay.

Qofka waa in uu iska ilaaliyaa burka iyo cuntooyinka lasoo warshadeeyay, waa in qofka uu raaca talooyinka caafimaad si xaaladdiisa uu uga war qabo.

Ma la daweyn karaa baabasiirka?

Qofka isaga ayaa iska daweyn kara baabasiirka gaar ahaan marka uu ku hor leeyahay, wuxuuna cuni karaa khudaarta iyo caleenta cagaaran.

.

Qofka goormaa ayuu qalliin isku sameyn karaa?

Haddii ay kasii darto xaaladda qof uu ku dhacay cudurka baabasiirka xitaa ka dib marka uu wax ka baddalo cuntooyinka iyo qaadashada daawooyinka uu dhakhtarka qoray, waa in la sameeyaa qaliin.

Sidee loo daweyn karaa?

Marka uu qofka ku hor leeyahay cudurka, waxaa qofka la siin karaa dawooyin iyo qofka uu isbaddal ku sameeyo cuntooyinka uu qaato.

Laakiin mararka qaarkood, qalliin ayaa ah xalka kaliya ee lagu daweyn karo qof uu ku weynaado baabasiirka, Haddii baabasiirka aad qabto muddo dheer, way adkaanaysaa inaad saxarooto isla markaana aad kursi ku fadhiiso maalin kasta.

Dhiigbaxa iyo sidoo kale buro hilib leh ee qaybta saxara mareenka ka sameysanto waa saameynta ka dhalata cudurkan, Xaaladdan oo kale, qofka waa in la marsiiyaa qalliin, markaa kadib waa in qofka uu la socdo cuntooyinka uu qaadanayo iyo hab nololeedkiisa.

bbcsomali