Writen by Qaran News |

Cumar X.Maxamuud waxa uu ahaa saaxiibkay dhaba ah (My Soul Mate)
Rabbi ha siiyo naxariistiisa balaadhan saaxiibkay Xaaji Cumar Xaaji Maxamuud Cismaan oo xaqii ku helay 3-dii September ee sanadkan 2021, magaaladda Hargaysa ee caasimadda Somaliland isagoo ahaa saaxiibkay dhaba oo aanu wadaagaynay waxyaabo badan oo nolosha qaybaheedda kala duwan ah. Waxa aan ku xasili jiray sheekooyinkiisa marka aan ku booqdo guriggiisa oo wax aan badnayd galbeed kaga qumanaa Hotel Maan-Soor iyadoo aan halkaa kula cawayn jiray kuna falanqayn jiray arrimaha adduunka gaar ahaana Somaliland, oo ahaa dalkayaggii hooyo si isku mid ahna aanu u wada jeclayn, kana hadli jirnay had iyo jeer siddii aqoonsi caalamiya loogu heli lahaa si uu uga mid noqdo dalalka Caalamka ee madaxa banaan ee ka tirsan adduunkan aan ku noolahay. Arintaasi ah farqiga u dhexeeya dal madaxbanaan iyo mid aan madax banaanayn oo muwaadiniintiisu tahay (stateless) ama sida carabtu tidhaa ay muwaadiniintiisu yihiin Biduun, waa arin qof aragti dheer mooyee qof kale aanu garan Karin, xattaa kuwo soo maray wasiiro arrimo dibaddeed.

Aragti dheeridu waxa ay ahayd hibbo dheeri ah oo uu Alle ku manaystay Xaaji Cumar Xaaji Maxamuud, waxaanan halkan ku soo qaadan doonaa sheeko layaable oo uu Xaaji Cumar X. Maxamuud u sameeyay wiil uu dhalayoo la odhan jiray Almis Xaaji Cumar Xaaji Maxamuud oo uu xanuun waddnaha ka asiibay. Laakiin Xaaji Cumar Xaaji Maxamuud waxa uu si aragti dheeri ah oo aan qof kastaa heli heli karin uga soo dawaystay dalka Israel oo aynaan xataa xidhiidh lahayn, taasi oo ku tusaysa aragti dheeridddii Cumar iyo xariifnimaddii dublamaasiyadeed ee Eebbe ku manaystay oo aan ku hubo haddii aanay in yari mar walba maroorsan taladda Somaliland, oo loo wada dhamaan lahaa inuu Cumar ahaan lahaa kuwa guradda ugu jira ee daaha dabadiisa ka hagaya talo qaran oo loo dhan yahay ku habi lahaa dalkiisa hooyo ee Somaliland.

Waa sanaddihii 1997 ilaa 2000 waa xilliggii uu wakiilka inooga ahaa Jabuuti, waa
markan marka aan ogaanayo xeeldheeridda diblomaasiyadeed (diplomacy expert)
ee Xaaji Cumar Xaaji Maxamuud Cismaan waana mid ay samayn karaan uun dhif iyo naadir dadka soomaaliyeed guud ahaan marka aad ka tagtaba kuwa somaliland.
Haddaba waxaa Xaaji Cumar Xaaji Maxamuud ka xanuunsaday wiil uu dhalay waa Almise oo uu asiibay xanuun ka soo gaadhay wadnaha, dhakhaatiirta Somaliland waa kabkab xilligga oo ma jiraan dhakhaatiir la isku halayn karaa, hadda oo ay aynu joogno 2021 ayaanay kaba jirin kuwo kuwii xilligga dhaamaaye, si kastaba ha ahaatee Xaaji Cumar oo aan ku aqaanay carruur jacayl xad dhaafa. Caruur jacaylka Cumar waxa uu ahaa mid aad u sareeya oo aan ku arkay uun dad dhif iyo naadir ah oo ay adag tahay in lasoo helo qof sidiisa u caruur jecel, aniga oo aan buunbuunin ku samaynayn laakiin cid kasta oo dhab ahaan u taqaanay Xaaji Cumar Xaaji Maxamuud waa ay dareemi karaysay taasina waa mid aan marar badan ku arkay indhahayga kuna maqlay dhagahayga waayo? waxa uu ahaa saaxiib aad iigu dheer (soul mate).

Aan ku soo noqdo Almis iyo xannuunkiisii markuu Xaaji Cumar garwaaqsaday ina xanuunkan inankiisa ka asiibay wadnaha inuu u baahan kharash iyo dhakhtar heerkiisu sareeyo oo ka mida kuwa adduunka ku yaala maanta ee casrigga ah, Somaliland aanay ahayn tii wax ka qaban lahayd, ayaa uu helay fikrad aan aad ula yaabay waana halkaa halka aanu aniga iyo Xaaji Cumar iskaga xidhmaynaa. Dubloomasinimadii iyo xeeldhiiridiisa siyaasaasadeed, carruur jacaylkii iyo inankiisii Almis ayaa tusay inuu helo dariiq iyo wadiiqo uu ugu helo baadhis caafimaad iyo dawayn waxa ay diiradiisu markiiba soo dhufatay dalka Israel inay xuddun u noqon karto dawaynta Almis bal sida uu ku helay adba sheeg! haayoo waaniggii hore u soo sheegay inuu ahaa xeeldheere siyaasadeed, taasi waa ay u shaqaysay oo xidhiidhkii uu sameeyay waxa uu albaabadda u furay in Almis, hooyaddii iyo Xaaji Cumar Xaaji Maxamuud ka dagaan caasimadda Israel ee Telavive, halkaasna uu Almis yare ka helo dawayn dhinaca wadnaha ah oo heerkeeddu sareeyo.

Intaa uun ma’aha ee Xaaji Cumar waxa uu u boqoolay dhinacaa iyo Baytul-maqdis oo uu ku soo tukaday kuna soo sujuuday iyadoo ay tahay bogcadda
saddexaad ee Maka iyo Madiina ku soo xigta, taasi oo dhanka kale aanay sahal ahayn in qof muslin ahi tago, waayo? dhanka nabad galyadda oo ay Dawladda Israel ku xidhiidhinayso aad ayay u adag tahay in si fudud loo tagi karo Magaaladda Qudus oo ay kuba murmayaan Yuhuuddu inay tahay Caasimaddooddii.

Waa 2011kii waxaan ku tagay fasax Masar iyo Jordan habeen ay tahay goor fiid aha ayaa dadyow kala duduwan oo qaar Spain ka yimaadeen qaar Taliyaanigga qaarna USA, oo aanu joogno Hotelkayaggii ayaa ay qaar dadyowggaa ka midi go’aan ku gaadheen inay barri u baqoolaan magaaladda Qudus, ee barakaysan waxaanay ii soo jeediyeen inaan ku lug daro. Aniga oo aanay marka hore igu jirin Jordan ka baqool oo xagaa iyo Baytal Maqdis oo ay Yuhuuddu xoog ku haysato u socdaal, ayaa u riyaaqay fikirki, waxaanan la guulay fikirkii sidaa ayaanu iskugu lug daray.
Waxaanu ka baqoolnay goor arooryo hore ah oo jarmaado ayaanu ku baxnay. Hotelkiina habeenkii ayuu ku sii talo galay inuu quraacdayaddii sii diyaariyo xilli hore, bacdamaa aanu jarmaado ku baxayno barri. Waxaan maqli jiray “ Balaysin Cawaysnimo kaakac aroonimo ayuu leeyahay ” ilaa 7 aroornimo ayaanu bas yar oo caasiya isku gurney, ka dibna waxaanu gaadhnay xuduuddii u dhaxaysay jordan iyo Israel waxaanu sii jibaaxnay daanta wabigga Urdun, oo aan in badan ka maqlay BBC-da qaybteedda Soomaaliga iyo English-ka.
Sidaa markii aanu ku soo gaadhnay halkii ay Xuduudda ka wadaagayeen Israel iyo Jordan, gaar ahaanna qaybtii (immigration officers-ka) ama Saraakiishii ee Yuhuudda ayaa nala kala hufay oo dadkii intii badnayd la sii daayay, anigase waa laygu dhagay oo la iga furfuri waayay. Gabadh yahuudiyad ah oo ka mida Saraakiisha Socdaalka ee Yuhuudda ayaa waraysi dheer, goor aroornimo ah ila gashay. Waxaanay I waydiisay su’aalo badan oo qaarkood ay dib ugu noqonayaan 20 sanno iyo ka badan waxaanay ku qoraysay su’aal kasta oo ay igu waydiiso luuqadda Hibrowgga yuhuudda, iyadoo igu waraysanaysa luuqada Englishka. Markii uu dheeraaday waraysiggii ee ay i waraysanaysay saacad in ka badan, ayaan u sheegay in haddii aanay soo gaabin waraysiggan inaan halkaa ku joojinayo dhinacayga oo aan xataa isaga oo kale waligay la iga qaadin. Waa ayse diiday waxaanay i kala dooransiisay inaan ogolaado inaan sii wado waraysigga ilaa inta ay dhamaysanayso haddii kale ay igu celin doonto Jordan oo aan saaka ka soo boqoolay waxaanan u sheegay intaa in ka badan inaanan tamar u hayn, waayo saakana jarmaado ayaan ku imi halkan. Markii aanu is mari waynay waxay ii sheegtay inay igu celin doonto jordan oo aan ka fogayn ahaydna halkii aan saaka ka soo boqoolay waanan ka ogolaaday inay sidaa samayso, waayo wax la xamili karo ma ahayn waraysiggani waana markii ugu horaysay ee yuhuuddi i waraysato sababta ugu wayn ee aan halkaa u tagayna waxa ay ahayd inaan ku soo sujuuddo Baytal Maqdis.
Haddaba ka waran haddii saaxiibkay Xaaji Cumar Xaaji Maxamuud Cismaan halkaa ka soo daweeyay inankiisii Almis? isla markaana ku soo sujuuday Baytal-maqdis iyadoo aan laga carsha carshayn, isagoo waliba u dhashay Somaliland oo aan la aqoonsanayn. Halkaa waxaa ka cad sida uu ugu xeel dheeraa diblomaasiyadda iyo ku shaqaynteedda oo aniga haystay passport uu leeyahy dal wayn oo adduunka ka caana, lehna dhaqaale cuddoon oo reer yurub ahna looga dhaartay inuu fooda galiyo Baytal maqdis, saaxiibkay Xaaji Cumar Xaaji Maxamuud Cismaan ku soo tukaday kana soo daweeyay inankiisii Almis.
Maqaalka aan ku soo afjaro in aan Eebbe u waydiiyo inuu naxariistiisa waasaca ah siiyo oo uu ku manaysto Jannatal Fardowsa saaxiibkay Cumar Xaaji Maxamuud. Madaxdda Somaliland ee wax ma tarayaasha ah ee hadda ka soo diraya dhanbaal tacsiya oo aan sii ridnayna, waxaan ku leeyahay haddii ay dhab idinka tahay Xaaji Cumar Xaaji Maxamuud Cismaan iyo intii dalkaa tacab galisay, intii ay noolaayeen ayaad u Abaal celin lahaydeen. Dhab ayaanayse idinka ahayn oo halgan dad lahaa ayaydun u hadheen in badan aan waxba ku lahayni Somaliland iyo wixii lala soo maray, waase qadar.

Xaaji Cumar iyo inta la midka ah ee gobonimadii luntay wax kasoo dhiciyay ama dalka iyo dib u dhiskiisii qayb kulahaa ee abaalkoodii laga abaalka dhacay, ayaa buuxa. Waate sii soomalidu hore uga maahmaahday ee tidhi “Abaal nin gala badan, nin gudaase yar.” Eebe ayaase ugu badali Janno udug badan Cumar iyo intaa aan la soo dul joogsan loona abaal gudin intii ay noolayeen. Eebbow sii nimcooyinkaaga aan dhamaadka lahayn xaaji Cumar Xaaji Maxamuud Cismaan iyo intii la mid ahayd ee naga horaysay.
Aamiin Aamiin Aamiin.

Qore: Cabdi Muxumed
Cabdimuhumed60@gmail.com