Writen by Qaran News |

Cunsurigii weerarka ku qaaday masjidka oo maxkamad lasoo taagay, kana hadlay sababta ku kaliftay

Waxaa maanta mar kale maxkamad lasoo taagay Philip Manshaus oo lagu eedeynayo warar argagixiso dhicisoobay oo uu ku qaaday isagoo hubeysan masjidka al-Noor ee degmada Bærum, dalka Norway.

Philip Manshaus oo maxkamadda kusoo galay salaanta caanka ah ee ay adeegsadaan cunsuriyiinta ayaa markii ugu horreysay ka hadlay sababta ku kaliftay in uu ku dhaqaaqo falkii uu geystay, waxaana ay maxkamaddu siisay afar mirir oo uu kaga hadlay arrintaasi.

Waxa uu sheegay in dowladaha reer galbeedka ay ku hungoobeen in ay ilaaliyaan jiritaanka dadka caddaanka oo eysan ku dhex qasmin dadka kale ee aan u muuqaal ekeen, sidaas daraadeedna uu isaga iyo ragga la midka ah ay hubka u qaateen in ay difaacaan jiritaankooda oo uu sheegeen in uu yahay mid mugdi sii galaya marba marka ka dambeysa.

” Maadaama arrinkeena si nabadgelyo leh aan u xallisan weynay, waxaan doorbidnay in aan hubka qaadno, waxna dilno”, ayuu yiri Philib.

Maxkamadda maanta oo aheyd mid gaaban oo xukunka inta ay baaristiisu socoto loogu dheereynayay ayay maxkamaddu ku xukuntay afar isbuuc oo hor leh.

Ninkan oo ku hubeesnaa qori darandoori u dhaca ayaa masjidka deegaanka Bærum ee duleedka Oslo ku furay rasaas, balse waxaa hakiyay oo qoriga kula dhagay labo waayeello ah oo ka mid ah jameecada masaajidka.

Baaris boolisku ku sameeyeen gurigiisa ayaa waxa ay ka heleen meydka gabar ay “walaalo” ahaayeen oo ay waalidkiis soo korsadeen taas oo kasoo jeeday asal ahaan dalka Shiinaha. Gabadhan ayaa la sheegay in uu dilay ka hor inta uusan u dhaqaaqin dhanka masjidka.

Ujeedka weerarkan ayaa looga shakisan yahay fal cunsurinimo oo neceyb ajaaniibta ah, waxaana ku dhaawacmay mid ka mid ah odayaashii qabtay.