Daanyeer ilmo yar hooyadii ka dafay ka dibna dilay

Daanyeer

Ilmo yar oo hal bil jir ah ayaa ku dhintay dalka Tanzania kadib markii uu hooyadii ka dafay daanyeer guriga u galay, sida ay masuuliyiintu sheegeen.

Ilmaha yar ayaa waxaa nuujinaysay hooyadii markii koox daanyeero ah ay soo weerareen gurigooda oo ku yaala tuulada Mwamgongo ee Kigoma, una dhow beerta Gombe Nation Park ee galbeedka Tanzania.

Taliyaha ismaamulka Kigoma James Manyama ayaa sheegay in canuga uu dhintay kadib markii dadka tuulada ay isku dayeen in ay xoog u adeegsadaan daanyeerka si ay u badbaadiyaan ilmaha yar.

Mr Manyama ayaa sheegay in canugaasi uu dhaawac ka soo gaaray madaxa iyo qoorta, kadibna uu u geeriyooday isagoo lagu dabiibayo Cusbitaal ku yaalla deegaanka falku ka dhacay.

Booliiska ayaa ku booriyay muwaadiniinta inay sii wadaan feejignaanta ku aaddan khatarta daanyeerka.