Saynisyahannada ayaa ogaaday in ragga loo sameeyo radiotherapy si looga daweeyo kansarka qanjirka ay mari karaan hannaankan oo aan aad u awood badneyn.
Marka loo eego natiijada tijaabada oo lagu sameeyay ilaa 900 oo qof oo kansarkoodu uusan aad ugu faafin xubnaha kale, xaddiga radiotherapy ayaa la yareyn karaa ilaa boqolkiiba 75.
Tan ayaa micnaheedu yahay in tirada la sameynayo radiotherapy, oo qiyaastii ah ilaa 20, lagu soo koobi karo shan.
Prof Nicholas van As, oo ka tirsan Istibaalka Royal Marsden ee ku yaalla magaalada London, oo daraasaddan sameeyay, ayaa sheegay in warka uu “cajiib” u yahay bukaannada.
Prostate Cancer UK, oo ah urur aan dowli ahay oo ka howlgala dalkaas, ayaa sheegay in radiotherapy oo la yareeyo ay wax ka tari karto yareynta cadaadiska hannaanka caafimaadka ayna beekhaamin karto lacag iyo waqti.
Inkastoo xaddiga habkan daaweynta ee halkii jeerba uu kordhayo marka hannaankan cusub la maro, bukaannada ayaa guud ahaanba laga yareyn doonaa habkaas.
Marka habkan la maro, boqolkiiba 96 ragga loo sameeyay ilaa shan jeer ayaa lagu ogaaday in kansarkii uu ka baxay, halka kuwa sida caadiga ah loo daweeyay uu ka yaraaday boqolkiiba 20.
Natiijada tijaabadan ayaa lagu wadaagi doonaa shirka Bulshada Mareykanka iyo kooxda ASTRO oo arrimahan ka shaqeysa ee ka dhici doona San Diego.
Prof van As ayaa sheegay in baaritaankiisa uu “horseedi doono isbeddel aad u weyn”.
Alistair Kennedy-Rose, oo 64 jir ah, ayaa ogaaday inuu qabo kansarka qanjirka sanadkii 2014 markii baaritaan dhiigga oo laga qaaday uu muujiyay arrintan.
Mar uu la hadlayay BBC, ayaa Kennedy-Rose wuxuu yiri: “Ma jirin wax calaamado ah, marka aad baan ula yaabay inaan ogaado inaan kansar qabo.”
Kennedy-Rose, oo qeyb ka ahaa tijaabadan ayaa maray shan jeer oo radiotherapy ah, lagumana sameyn daaweynta hoormoonka.
Wuxuu ku qeexay daaweynta loo sameeyay:
“Daaweyntu aad ayay u fududeyn. Ma jirin wax saameyn taban ah wax walbana si degdeg ah ayay u dhaxeen, waxaan awooday inaan nolosheyda sii wato.
“Si degdeg ah ayaa la ii daaweeyay xitaa ma aanan dareemeyn inaan kansar qabo.”
Beekhaaminta daawada
Prof van As ayaa sheegay inuu rajeynayo in hannaanka caafimaadka ee UK uu si degdeg ah ula qabsan doono habkan.
“Boqollaal kun oo kulamada radiotherapy ah ayaa guud ahaan dalka laga baajin karaa.
“Tan waxay aad faaโiido ugu tahay hannaanka caafimaadka qaranka, oo cadaadis badan uu saaran yahay.”
Gudaha UK, hannaanka caadiga ah waxaa ka mid ah 20 kulan oo radiotherapy ah, balse dalalka qaar, sida Mareykanka waa ilaa 40.
Arrin kale oo muhiim ah oo tijaabadan ku jirta ayaa ah in midna ragga gaarayay 874 ee ka weyb qaatay aan la siin waxyaabaha lagula tacaalo xanuunkan ee hoormoonka testosterone lagu xoojinayo.
Maaddaama kansarka qanjirka uu caadi ahaan sababo hoormoonkan, bukaannada ayaa la siiyaa waxyaabahaas.
Waxaana taas ka dhashay daal, dhidid badan iyo ragannimada oo hoos u dhacda.
Simon Grieveson, oo ah ku xigeenka agaasimaha baaritaanka ee Prostate Cancer UK, ayaa yiri: “Waa cajiib sida daaweyntan cusub ay ugu guuleysatay inay ka fiicnaato tan caadiga ah waliba si degdeg ah.
Kennedy-Rose ayaa kula talinaya ragga inay si joogto ah isu baaraan:
“Waa muhiim inay ragga daโdoodu ka badan tahay 50 sano ay maraan baaritaankan.
“Haddii kansarka xilli hore la ogaado, daaweynta waa laga gaari karaa iyadoo saameyntuna yar tahay.”