Daawo Cusub oo xanuunka Macaanka lagu daweeyo oo la ansixiyey

Canug yar oo laga baaraya macaanka

Daawada difaaca jirka ayaa waxaa ansixiyay maamulka daawooyinka Mareykanka taas oo dib u dhigaysa faafidda nooca 1aad ee sonkorowga.

Khubarada ayaa sheegay in dawada teplizumab ay tahay “waa cusub” oo u baryay daawaynta sonkorowga.

Dawadan ayaa la tacaalaysa sababta asalka u ah macaanka marka ugu horreysaysaba.

Waxay u shaqeysaa iyadoo dib u habeyn ku sameynaysa habka difaaca jirka si ay u joojiso inay si qalad ah u weerarto unugyada dheef-shiidka ee soo saara maaddada sokorta ee loo yaqaanno “insulin”.

Waxay u badan tahay inay tallaabadan u gogol xaarto in dalalka kalena ay ka fakafraan inay ansixiyan dawadan.

Qiyaastii 8.7 milyan oo qof ayaa qaba nooca 1aad ee cudurka sonkorowga adduunka oo dhan. Gudaha UK waxaa macaanka nooca koowaad qaba 400,000 oo qof, oo ay ku jiraan in ka badan 29,000 oo carruur ah.

Nooca 1-aad ee snkorowga, habka difaaca jirka (oo caadiyan la dagaallama bakteeriyada iyo fayrasyada) ayaa si qalad ah u weerara unugyada loo baahan yahay ee beeryarada kuwaas oo soo saara insulin-ta.

Insulintu waa muhiim, oo waxay jirka ka caawisaa inuu sonkorta u isticmaalo tamar ahaan.

Waxay khubaradu sheegeen soo jeedinayaan in dawadan dadku ay sidoo kale ka caawineyso in sannado badan ku qaadan karaan sonkorta dhiigga si kala duwan oo caafimaad ah, iyadoo siinaysa waqti dheeraad ah si looga hortago dhibaatooyinka sonkorta dhiigga oo sarreeya sida kelyaha ama indhaha.

Waa maxay noocyada xanuunka macaanka?

Waxaa jira dhowr nooc oo xanuunka macaanka ah.

Nooca 1 ee macaanka: Beer-yaraha ayaa joojiya soo saaridda maaddada insulin-ta, marka glucose ayaa raaca dhiiggeenna oo hoy ka dhigta.

Saynisyahannada ma oga waxa gaar ahaan sababay arrintan balse waxay rumeysan yihiin in laga yaabo inay tahay wax hiddaha qofka la xiriira amaba caabuq saameeya unugyada soo saara insulin-ta ee beer-yaraha. Ilaa 10 boqolkiiba dadku waxay qabaan nooca 1-aad ee macaanka.

Nooca 2 ee macaanka: Beer-yaruhu ma soo saaro insulin ku filan jirka amaba hoormoonku uma shaqeeyo sidii laga rabay.

Xanuunka macaanka

Tan ayaa caadiyan ku dhacda dadka da’ dhexaadka ah amaba dadka waayeelka ah, balse waxay sidoo kale ku dhacdaa dadka uu miisaankoodu culus yahay, iyo dadka ka soo jeeda dalalka qaar, sida Koofurta Aasiya.

Haweenka uurka leh qaarkood ayaa laga yaabaa inay ku dhacdo sokorta nooca gestational diabetes marka jirkoodu uusan insulin ku filan u soos aarin iyaga iyo ilmaha uurkaba.

Daraasado kala duwan oo la sameeyay ayaa lagu ogaaday in 6 ilaa 16 boqolkiiba haweenka uurka leh uu la soo derso noocan xanuunka macaanka ah. Waxaa laga doonayaa inay xakameeyaan heerka sokorta jirkooda iyagoo ilaalinaya cuntada ay cunaan, sameynaya jimicsi.

Waxay sidoo kale dadka qaar la kulmi karaan nooca pre-diabetes – oo ah xaalad sababeysa inuu kordho heerka glucose ee jirka taas oo sababi karta xanuunka macaanka.

Maxaa sababa xanuunka macaanka?

Marka aan wax cunno, jirkeennu wuxuu burburiyaa waxyaabaha loo yaqaanno carbohydrates wuxuuna ka dhigaa sokor (glucose). Mid ka mid ah hoormoonnada qofka oo loo yaqaanno insulin, ayuu soo saaraa beer-yaraha, kaddibna wuxuu unugyada jirkeenna ku amraa inay nuugaan sokorta si ay tamar uga helaan.

Sokorta la warshadeeyay ayaa kordhisa heerka glucose ee dhiiggeena gala

Xanuunka sokorta ayaa qofka ku dhaca marka insulin uusan jirkeennu soo saarin amaba aysan sidii la rabay u shaqeyneynb, taas oo sababta in sokortu ay jirkeenna fadhiisato.

Waa maxay calaamadaha xanuunka macaanka?

Calaamadaha ugu badan waxaa ka mid ah:

  • oon saa’id ah
  • kaadi badan, gaar ahaan habeenjii
  • daal saa’id ah
  • in miisaan uu kaa dhaco
  • caabuq dhanka afka ah
  • aragga oo daciif noqda
  • dhaawacyo aan bogsaneyn

Sida laga soo xigtay waaxda caafimaadka ee Britain, calaamadaha nooca 1aad ee xanuunka macaanka ayaa qofka lagu arki karaa carruurnimadiisa amaba da’da qaan-gaarka waxayna noqon kartaa xaalad khatar ah.

Dadka khatarta ugu badan ugu jira nooca 2aad ee xanuunka macaanka waa dadka ay da’doodu ka sarreyso 40 (ama 25 dadka Koofurta Aasiya ka soo jeeda); dadka uu waalidkooda amaba walaalahood uu mid qabo macaanka; dadka miisaankoodu saa’id yahay, kana soo jeeda Koofurta Aasiya, sida Shiinaha.