Waa warshada laydhka ee ku taala xaafada Macalin Haaruun ee dhinaca ku haysa Xarunta degmada Macalin Haaruun, saaka bacda salaadii subax ayaa la shiday waxa ay sii daynaysaa qiiq xoogan oo dadka xaafadu ay aad uga cawdeen, wax yeelo badana waa la sheegayaa oo dadka xaafada soo gaadhay. Dadweynaha xaafadu mudo dheer ayay ka cabanayeen hase ahaatee maamulka Sompower ma ay fulinin dadka codsigooda oo ah in warshada laga raro xaafada.

Warshadani ayaa goobtani laga taagey xilli ay xaafadu cidlo ahayd oo ayna dhismayaashu hareeraha ka dhaafin, waxana warshadaasi xiligaasi lahaa ganacsade Cismaan Kaahin oo hadana ka mid ah Saamileyda shirkada laydhka ee Sompower. Waxana hada la sheegayaa in dad badani ay warshadani waxyeelo caafimaad ka soo gaadhay, inkasta oo aan warshadani hada maalin walba la shidin  tan iyo intii ay shirkada Sompower ay hirgalisay habka Solar-ka hadana waa mid shaqaysa oo la shido xiliyada qaar , taasi oo saaka oo ay bishu tahay 23/4/021 la daaray waxana aad arkaysaa qiiqa dunida laga mamnuucay oo Cirka isku shareeray