Writen by Qaran News |

Dadaalkii Muuse Biixi oo ugu dambeyn miro-dhalay+Abiy oo casuumad rasmiya u fidiyey+Ujeedka Casuumada

 

Dowladda Itoobiya ayaa ugu dambeyn casuumaad  rasmi ah u fidisay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi kadib dadaal socday muddo ku dhow sanad.

Muuse biixi ayaa lagu waddaa Arbacada u safro magaalada Addis-ababa ee caasimadda dalka Itoobiya, waxaana uu kulan la yeelan doonaa ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed & Madaxweynaha Somalia Farmaajo.

Waa markii ugu horreysay ee madaxweyne Biixi uu safar ugu baxo dalka Itoobiya tan iyo markii uu xilka qabtay Ra’iisul Wasaaraha dalkaas Abiy Axmed.

Muuse Biixi ayaa muddo dheer dadaal ugu jiray inuu la kulmo Abiy Ahmed, waxaana dadaallo dhowr ah oo horey u sameysay Somaliland ka cudur daartay Abiy Ahmed, waxaase muuqata in ugu dambeyn la aqbalay codsigii xukuumadda Somaliland.

Muuse Biixi ayaa dhowr jeer oo horey weerar ku qaaday madaxweyne Farmaajo isaga oo ku eedeeyey inuu cunaqabateyn iyo go’doon geliyey Somaliland.

Isu soo dhowaanshaha Farmaajo iyo Abiy Ahmed ayaa la rumeysan yahay inay kaalin xooggan ka qaaday in Itoobiya ay albaabada ka xidhato Somaliland, iyadoo doorbiday inay toos ula macaamisho xukuumadda Muqdisho.

Halkan ka Daawo Eedaha joogtada ee Muuse Biixi Ku hurgufo Farmaajaha Muqdisho:-