Dagaal Beeleedka ka qarxay Buhoodle+Waxa laysku hayo

Waxaa deegaano dhaca Waqooyiga magaalada Buuhoodle  gaar ahaan Gocondhaalle, Ceegaag iyo Horufadhi Laga darmeeyaa Xaalad Colaadeed oo kasoo Cusboonaatay Taasi oo salka ku haysa  Aanooyin Qabiil iyo Dilal mudooyinkii dambe ka dhacay deegaanadaasi.

Dhowaan waxaa deegaanka Gocondhaalle lagu dilay Nin dhalinyaro ah, waxaana in muddo ah Waxgaradka deegaankaa iyo Odayaasha labada dhinac ay ku howlayeen sidii xal looga gaadhi lahaa ArintaasiInkastoo aysan muuqan Guul la taaban karo oo laga gaadhay, marka laga reebo in Maleeshiyaadkii la kala qaaday.

Balse  Waxaa la sheegaya in Ehelada ninkii horay loogu dilay deegaanka Gocondhaalle ay Doraad dil aano ah, ugu gaysteen Gudaha Magaalada Buuhoodle Nin dhalinyaro ah oo aan waxba isagu horay u dilin, laakiin Naftiisa ku waayey Haybta iyo Qabiilka guud ee uu ka dhashay.

Arintaasi ayaa sidoo kale waxay sababtay in Xaaladii Colaadeed ay dib usoo Cusboonaato markale, waxaana lagu soo waramayaa Shalay in iska Hor imaad Hubaysan uu Labada dhinac ku dhexmaray deegaanka Horufadhi oo dhaca Waqooyiga magaalada Buuhoodle.

Colaada u dhaxaysa Labada Beelood  [Hagar iyo Hayaag] ayaa u Muuqata mid aan Xal Rasmi ah laga gaadhin, Sidoo kalana Doorkii Odayaasha iyo Waxgaradka labada dhinac ee Colaada lagu dhamayn lahaa  ayaa meesha ka maqan, Kaba darane Waxaanba xil la iska saarin in Qofka dhagar qabaha lasoo qabto, si dadka aan waxba galabsan Naftooda loo kala badbaadiyo .!