Writen by Qaran News |

Dagaal Culus oo ka dhex qarxay Goor-dhaweyd Ciidamada Somaliland & Kuwa maamulka Puntland+Goobahay ka socdaan

 

 

 

Laas-caanood-(Qaran-news)-Wararka naga soo gaadhaya deegaanka Tukaraq ee gobollka Sool ayaa tibaxaya in dagaal culus oo laysku adeegsanayo hubka fudud iyo madaafiicba si toos ah uga qarxay deegaano ay maalmihii la soo dhaafay isku hor fadhiyeen ciidamada Somaliland, & Kuwa Maamulka Puntland,waxaana hadda aad loo maqlayaa deryanka Madaafiicda Culculus.

Dad ku ku sugan Goobo ka fog deegaanada ay dagaaladan ka socdaan ayaa u sheegay Warbaahinta qaarkood in ay maqlayaan deryanka hubka culus ee ay Labada dhinac isu adeegsanayaan.

Ku darso siday ay sheegayaan xoggaha la helaayo waxa jira  khasaare labada Dhinacba ,balse iyadoo ay tahay goor hore lama xaqiijin karo baaxada khasaaraha labada dhinac midkoodna

.

Wixii warar ee soo kordha qadiyada Dagaalka ishay ku hay Qarannews.com