Writen by Qaran News |

Dagaal ka Qarxay Tukaraq

Weerar ayaa xalay lagu soo qaaday ciidamada Somaliland ee fadhiya Aaga Tukaraq,sida ay sheegeen dadka degaankaasi.

Weerarka ayaa waxaa ka dhashay dagaal socday in ka badan hal saac oo halkaas ku dhexmaray ciidamada Somaliland iyo ciidamada Puntland.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Puntland ee jiidda Tukaraq ayaa xaqiijiyay in weerarka lagu qaaday Talis ay leeyihiin militariga Somaliland oo ka durugsan furinta (Aaga) hore.

Ma jirto wax faahfaahin ah oo laga hayo khasaaraha kala gaadhay labada dhinac,sidoo kalena Puntland iyo Somaliland midna weli kama hadlin.