Dagaal sokeeye hadii aad maqashid, 90% waxa keenta siyaasad; 10% ka soo hadhay na, waa shacbi is laayay, sida reer miyiga Soomaalida ee deegaanka amma biyaha is ku dagaala oo kale. Dagaalada siyasadda ku salaysan ee awoodda xukunka la is ku qabsado, laba siyood baa loo ga badbadaa – in xeer la is la ogolyahay awoodda la gu wadaago, wixii is diidooyin ah na, la gu xalliyo xeerar la is la ogolyahay, xeerarkaas oo ay fulinayaan hay’ado iyaka na la is la ogolyahay, la gu na kalsoonyahay. Ta labaad ee dagaal siyaasad ku lug leh loo ga badbaado, u gu yaraan wakhti cayiman, waa in awoodda iyo xukunka uu haysto qof/qoys amaba koox, awood buuxda oo inta kale ay ku muquuniyaan na ay haystaan. Boqorada carabta oo kale ayaa tusaale u ah, laakiin tan dambe ma waarto sida ta hore oo kale. Hadaba, hadii xukun dad iyo kooxo siyaasadeed u dhexeeya, uu qof is ku koobo, oo yidhaado keligay baa sax ah, wixii aan doono uun baana soconaaya, oo labadaas hanaan ee aan tilmaamay na midnaba aanu Meesha oolin sida Somaliland oo kale, sidee xaal noqdaa?
Xaaladaha sidan oo kale ah, badiyaa natiijadu waa mid keliya. Waxa dhaca waxa loo yaqaanno Dagaalka Masaakiinta (poor men’s war), wiilal waxoogaa ah baa na dhinta. Ka dib marka la ka la adkaan waayo, waa la miyirsadaa, oo la yidhaadaa wixii aan moodaynay socon waa ee aan is ka heshiinno. Intii aanay sidaas noqon maxaa taas loo garan waayay, ee xaqiiqada taas ah wax loo gu dul dhisi waayay, hadii aad is weydiinaysid, jawaabtu waa fududahay. Doqomadu waxba ma gartaan illaa wax dhacaan. Muuse iyo Saleebaan oo caqligooda nacayb ka buuxo, oo fikirkooda uu daboolay, garashadoodu si sax ah ma u shaqaynayso inta la miyir qabo. Micnaha Meesha ku jiraa waa intaas. Oo hadii caqligoodu shaqaynaayo, ma waxaas oo jujuub iyo sharci ku tumasho ah ayay samayn lahaayeen, oo wax kasta oo xal noqon kara diidi lahaayeen? Jawaab aan ‘Maya’ ahayni hadii ay kuu soo baxdo, dhakhtar baad u bahantahay ee is ogow.

Waxa Qoray:-