Tirada dadka ku dhintay iska horimaadyada ka socda gobolka koonfureed ee Suweida ee dalka Suuriya, oo u dhexeeya dagaalyahanno ka tirsan beesha Druze iyo qabiilooyinka Bedouin, ayaa sii korortay.

Tirada dhimashada ayaa haatan ka badan 100 qof, sida uu BBC-da u sheegay Rami Abdul Rahman, agaasimaha Xarunta Xuquuqda Aadanaha ee Suuriya.

Wasaaradda Difaaca ee Suuriya ayaa sheegtay in 18 ka mid ah ciidamada ammaanka lagu dilay gobolka Suweida kadib markii ay la kulmeen “weerarro khiyaano ahaa oo kaga yimid koox hubeysan oo sharci-darro ah, xilli cutubyo ka tirsan ciidanka ay wadeen hawl-qaran oo lagu xallinayo khilaafka laguna sugayo xasilloonida.”

Sida ay Waaxda Warfaafinta iyo Isgaarsiinta ee Wasaaradda Difaaca Suuriya u sheegtay BBC Carabi, “Ciidanka milatariga iyo kuwa ammaanka gudaha ayaa farageliyey deegaannada uu iska horimaadku ka socdo, kaas oo u dhexeeya beelo wada dega galbeedka gobolka Suweida iyo kooxo kale oo kasoo jeeda gobolkaas,” si loo joojiyo dagaalka.

Wasaaradda Difaaca ayaa sidoo kale sheegtay in “hawlgallo nadiifin ah ay haatan socdaan si kooxahaas loosoo qabto, ammaanka iyo xasilloonidana loogu soo celiyo gobolka, isla markaana meesha looga saaro hubka si aan kala sooc lahayn loogu faafiyey gobolka.”

Bbcsomali