Wuxuu igu soo eegayaa indho naxariis leh oo qurux badan. Wuxuuna iga dalbanayaa inaan soo socodsiiyo, laakiin kuma dhaco. Maxaa yeelay waa nala xirayaa.”

Mahsa oo deggan magaalada Tehran waa mulkiile ey yar, wuxuuna dowladda kala kulmay xarig kaddib marki lagu eedeeyay inuu magaalada ey ku xannaaneysanayo.

Booliska caasimadda Tehran wuxuu dhowaan ku dhawaaqay qofkii lagu arko isaga oo waddooyinka magaalada ey ku dhex wata ‘in uu dambiile yahay.’

Waxay dowladda Iran sheegtay tallaabbadan inay u qaadday ‘si ay badqabka bulshada u ilaaliso.’

Sida oo kale, doodda oo bilooyin soo socotay kaddib, barlamaanka dalkaas waxaa loo gudbiyay sharci qabyo ah oo cinwaankiisu yahay ‘Xuquuqda ay bulshada u leedahay inay ka badbaaddo waxyeellada xayawaanaadka,’ kaasoo si gaar ah u mamnuucay xannaaneynta eyda.

Ganaaxa lagu muteysanayo

Sida uu dhigayo hindise-shaciyeedkan, qofka doonaya inuu ey rabbaayadeysto waa inuu u tago guddi si gaar ah looga xilsaaray si ay dadku fasax u siiyaan.

Sharcigu waxaa kale oo uu dhigayaa ganaax dhan ugu yaraan $800 oo lagu muteysanayo “soo-dejinta, gadashada iyo iibinta, gudbinta iyo haysashada” noocyada kala duwan ee xayawaanaadka, oo ay ku jiraan kuwa guryaha lagu heysto sida eyda, bisadaha iyo bakeylaha.

“Doodda ku saabsan sharcigan waxay soo billaabatay ku dhawaad 10 sano ka hor, kaddib markii ay koox xildhibaanno ah oo ka tirsan baarlamaanka dalkaas ay soo jeedisay in eeyaha lagu hayo goobo loogu talagalay ama duurka lagu sii daayo si ay dadku waxyeelladooda uga badbadaan,” sidaas waxaa yiri Dr Payam Mohebi oo sharcigan ka soo horjeeda kana tirsan ururka xannaaneynta xayawaanaadka oo BBC u warramay

Astaanta nolosha magaalooyinka Iran
Heysashada ama xannaaneynta eeyaha waxay caadi ka tahay dalka Iran, gaar ahaanna dhulka miyiga, hase yeeshee qarniga 20-aad ayay nolosha magaalooyinka qayb ka noqdeen.

Dalka Iran oo noqday dalkii ugu horreeyey oo Bariga Dhexe ku yaalla oo 1948-kii meel mariyay sharciga xannaaneynta xoolaha, iyada oo dowladduna ay maalgelisay hay’addii ugu horreysay oo ka shaqaynaysa xuquuqda xayawaanaadka.

Madaxda ugu sarreysa dalka Iran laftooda waxay guriyahooda ku haystaan eeyo iyo bisado ay xannaaneystaan.

Hase yeeshee, aragtidii noocaas ahayd iyo hab-nololeedka bulshada dalkaasiba waxaa wax weyn ka beddelay kacaanka dalka Iiraan ee dhashay 1979-kii.

“Booliska dalka Iiran wuxuu xabsiga u taxaabayaa cid kasta oo ay ku arkaan isaga oo waddooyinka la maraya ama gaari ku wata, maadfaamaa dhaqankaas loo arko mid Reer Galbeedka laga soo minguuriyay, oo aan sal ku lahayn dhaqanka Islaamka iyo kan dalka Iiraan intaba.
XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES
Xabsiyada eeyaha
Dowladda Iiraan magaalooyinka waaweyn ee dalkaas waxay ha hirgelisay xabsiyo ay ugu talagashay inay ku xirto eeyaha dadkii lahaa la xiro ama la soo qabto.

Hase yeeshee, xabsiyada xayawaanaadka sida eeyaha iyo bisadaha lagu hayo kuma haystaan daryeel ku filan.

Sharciga manuucaya in xayawaanaadka lagu haysan karo magaalooyinka dalka Iiraan haddii uu meel maro dad badan oo dhaqaaleysta xayawaanaadkaasi sida Masha waxay ku abuuri doontaa niyadjab aad u weyn.

Dhaqaalaha dalka Iiraan waxaa si weyn u wiiqay cunaqabateynada ay dalalka Reer Galbeedku saareen.

Cunaqabateynadaas oo saameysay lacagaha qalaad oo dalkaas uu u baahnaa taasoo keentay inay aad hoos ugu dhacdo lacagta Iiraan ee Riyaalka.