Dalal badan oo ka falceliyey kitaabka qur’aanka ee lagu gubay Sweden iyo Somalia oo aan weli juuq o dhan!
Morocco ayaa u yeedhatay safiirkeeda u fadhiyay dalka Sweden, Jordan safiirkii Sweden u fadhiyay Amman ayaa su’aallo la waydiiyay.
Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) oo 57 waddan oo muslim ah ay xubno ka yihiin ayaa si adag u cambeereeyay, dalalka kale ; Turkiga oo sheegay tallaaba ugu adag inuu qaadayo, Sacuudi Carabiya, Morocco, Ciraaq, Iran, Pakistan, Ruushka , Senegal, Morocco, Mauritania iyo Falastiin ayaa cambaareeyay.Mareykanka, ayaa dhankiisa, ku tilmaamay falkan mid “ixtiraam darro qoto dheer” balse wuxuu laga gaabsaday in la cambaareeyo.
Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin ayaa dambi weyn iyo meel ka dhac ku tilmaamay: “Qur’aanka kariimka ah Muslimiinta waa muqadas, waana in uu dadka kalana u ahaadaa mid muqadas ah.” Ayuu yidhi.
Soomaaliya weli xataa ma samayn cambaarayn.
Salwaan Momika oo qaxoonti Ciraaqi ah ayaa ku gubey nuqul ka mid ah kitaabka qur’aanka kariimka ah bannaanka masjid ku yaal Stockholm, xilli ay hareeraha ka joogeen Booliska Sweden.