Baarlamaanka dalka Denmark ayaa ansixiyay sharci mamnuucaya in si aan wanaagsanayn loola dhaqmo qoraalada diimaha. Sharcigaan ayaa loogu magac daray sharciga Quraanka kaas oo ay ansixiyeen 77 cod oo kamid ahaa 94 codeyneyay.
Qofkii jabiya sharcigaan ayaa mutrysan doono ciqaab ah laba sano oo xarig ah.
Sanadihii la soo dhaafay ayaa waxaa marar kala duwan lagu gubay gudaha dalka Denmarka Quraanka, arrintaas oo ka careysiisay muslimiin badan ayna ka banaan baxeen.
Sidoo kale falalka gubista waxa ay sababeen in uu xumaado xiriirkii kala dhaxeeyay wadamo badan oo dadka ku nool ay u badan yihiin Muslimiin.
Inger Stojberg, waa hugaamiyaha xisbiga Dimuquraadiga ah ee Denmark, waxa uu ka hor yimid sharcigaan isaga oo yiri: “Taariikhda ayaa na kala saari doonta. Farqi wayn ayaa u dhaxeeyain la xadido xuriyadda fakar cabirista iyada oo dad waynaha la waydiinayo iyo in la xadido iyada oo cadaadis ka imaanayo gudaha,” ayuu u sheegay wakaalada wararka Reuters.
Dhanka kale hugaamiyaha xisbiga midigta-dhexe Mette Frederiksen, ayaa sheegay in xoriyadda dhaliilista diimaha ay tahay mid sii socon doonta, sharcigaana uu yahay mid saameyn kooban ku yeelan doona xoriyadda cabirista fikirka.
Dawladda Denmark oo sharcigaan hor geysay baarlamaanka dalkeeda bishii Agoosto ayaa sheegtay in inay dooneysay in ay dunida u dirto farriin, iyada oo adeegsaneysa sharcigaan, maadaama ay sare u kaceen falalka gubista Quraanka ee ay sameeyeen dad badan kuwaas oo safaarado ajnabi ah ku hor gubay quraanka, iyo sidoo kale 170 dibad bax oo todobaadyo gudahood dhacay.
Falalka gubista Quraanka ayaa sidoo kale sanadkaan ka dhacay wadamo kale oo Yurub ku yaalla oo qaarkood ay daris yihiin Denmark.
Dalalkaas ayaa waxaa kamid ah dalka Sweden kaas oo sirdoonkiisu ay bixiyeen digniino lamid ah kuwa ay bixisay dawladda Denmark.
Sweden ayaa kamid ah dalal ay dhibaato ka soo gaartay falalka gubista Quraanka, iyada oo bishii July ay dibad baxayaal careysan gubeen safaaradoodii ku taalay dalka Ciraaq. Waxaa la sheegay in iyaguna ay diyaarinayaan sharci lamid ah kan ay soo saartay dawladda Denmar.
Yaa wadamadaan ku gubi jiray Quraanka maxayse tahayd sababtu?
Kooxaha islaam nacaybka ee ka dhisan wadamada Denmark iyo Sweden ayaa gubay Quraanka marar kala duwan sanadkaan gudahiisa, taas oo keentay caro balaaran ka dhalatay gudaha wadamada Islaamka kuwaas oo ka dalbaday dawladahaan in ay ka hortagaan falalka nuucaas ah.
Laba dawladoodba waa ay ka soo horjeesteen oo ay cambaareeyeen gubistan Quraanka, iyaga oo tibaaxay inay soo saari doonaan shuruuc cusub oo ka hortagi doonta kooxahaas. Balse mar walba waxay dadkaas iyo kuwa u dooda xuriyadda fikirka ku dhaliilayeen dawladda kuna andoocanyeen in xoriyadda hadalka iyo fikirkaba ay tahay mid uu ilaaliyay dastuurka dalkooda, hadii talaabo arrintaas loo qaadana ay dhaawici doonto xoriyaddii qiimaha lahayd.
Ugu yaraan saddex kamid ah falalkii ka dhacay gudaha Sweden bilihii la soo dhaafay ayaa waxaa hugaaminayay Salwan momik – qaxooti Ciraaqi ah oo sheegay inuu doonaay inuu ku banaanbaxo guud ahaan diinta Islaamka, sidoo kalana uu mamnuuca kitaabka barakaysan ee Quraanka.
Waqtiyadii uu sameynayay banaanbaxyada, koox dhaqdhaqaaqayaal midgta fog ah oo isugu yeera Wadaniyiinta Denmark ayaa waddanka Denmark ka bilaaba dibadbaxyo iskood ah oo ay uga soo horjeedeen Islaamka, iyaga oo sheegayay markaas inay ka soo horjeedaan wax ay ugu yeereen ‘islaameynta’ ka socota wadamada ay Denmark ka mid tahay ee ‘Nordic’.
Ugu yaraan toban kitaan oo Quraan ah ayaa lagu gubay gudaha dalka Denmark todobaadyadii la soo dhaafay.
Rasmus Paludan oo ah ololeeye Danish-Swedish ah kana tirsan xisbiga midigta-fog kaas oo masuul ka ahaa falal Quraan gubis ah oo si goos goos ah u dhacayay sanadkii 2017 kii, ayaa sidoo kale sanadkaan falal nuucaas ah ka sameeyay labada waddan, isaga oo sheegay inuu ka caraysan yahay in Turkiga ka soo horjeestay codsiga Sweden eek u biirista gaashaanbuurta NATO.