Writen by Qaran News |

  • Dalka Somaliland waxaa soo maray xukuumado badan oo kala danbeeyey oo soo taxnaa tan sanadkii 1991kii intaa waxaa kala danbeeyey madaxwaynayaal ku soo beegmay maraaxil badan oo kala gedisan oo kala durugsan mid ku waa bariistay dagaal iyo dal burburay oo ay dhex dawaafayaan ciidamo dayday ah siyaasi daydayah iyo wax walba oo dayday ah oo kaga baxay karti sidii md cabdiramaan tuur mid u yimid jawi ka duwan kii hore oo dhex badaashay wixii kii hore ku jiray oo sii jira kadibna ku guulaysatay inuu wax ka qabto oo kadibna dhiso maamul dowladeed oo kaamila oo wax waliba u dhamays tiran yihiin haday tahay qayb tii sharci dejinta tii fulinta , ciidamadii oo ka kala duwan iyo xisbayadii oo cago leh oo baratamayaa waana md maxamed x ibraahim cigaal hadana waxaa u daba maray kadib markii alle oofsaday mid sii hir galiyay intii kii ka horeeyey qabtay ee uu dhisay sida sii adkaynta nabada suulinta colaadii ka dhex dhacday beelaha Somaliland mudo yar ka hor intii aanu madaxwaynaha noqon fulinta hanaanka is doorasho dalka iyo tartansiinta xisbayadii la abuuray iyo daadajinta maamulka oo uu ku fidiyay dhamaan dalka oo gaadhsiiyay degmo degmo tuulo tuulo iyo daabiyad walba sidoo kale wuxuu kobciyay nidaamka adeeg ee dalka oo uu kor u qaaday sida ka shaqaysiinta cisbitaaladii magaalooyinka waawayn dugsiyada waxbarashada dhiiri galinta dadka ku abaabulka wax qabsiga iyo dibu dhiska dalka isagoo ku baraarujiyay degaan walba inay yagu u tashadaan degaan kooda aanay fadhiga ka kacaan isagoo si cad ugu sheegay inaan dowlad wax u qaban kartaa aanay jirin way jirtaaye waxba waanay u hayn haduu hayana kamay soo hadhayn mushaharaadka shaqaalaha iyo ciidamada ku faraqida dadka dan yarta ah oo ku hoos noolaa dowlada isogoo ugu daray inuu isaga laftiisu ka qayb qaadano qadhaanka waxna aanu ka hakranayn dadkuna aad bay arinkaa ugu dhega nuglaadeen oon hadaan tusaale u soo qaato oon magalada burco ee aan ku noolahay oo qudha aan eegno waxaa ka fulay mashaaricdii ugu badnayd ee abid laga fuliyo oo ay fuliyeen shacabka gobolka oo isu kaashaday gudaha iyo debeda waxaa ka mid ahaa mashaaricdaas dhisida biriijka waynee deero iyo sadex biriij oo kale oo ku dhex yaal magaalada, hirgalinta jaamacadii ugu wayneed ee ay magalada burco yeelato abidkeed, cusbitaalka dhimirka ee maandhaye, iskuulka neeraska ee burco iyo kawaankii xoolaha oo casri oo uu kaga tagay isagoo qabyo ah ilaa imikana sidii qabyo u ah waxaa berigaa burco ka hirgalay intaas oo loo dhamays tiray baahiyohoodii adeeg haduu dhakhtar ahaa dhakhaartiirtii ka shaqaynaysay haduu iskuu ahaa macalimiintii dhigaysay iyo haduu wax kale ahaa ciidii ka hawl galaysay kuwaas oo dhan dadka burcona ay aad ugu ayeen laakin imika intuba waa hawlgab.

Wuxuu kaloo ka shaqeeyey sidii dib ay suuq ugu heli lahayeen xoolaha nool ee Somaliland oo xayiraadi saarnayd wuxuu dalka ku casuumay ganacsato carbayd oo iibsada xoolaha nool soomaliland halkaas waxaa sidaa xayiraadii looga qaaday xoolaha.

waxaa kale uu aad uga howl galay dhisida ciidan laysku halayn karooo carbisan muu dhisin uune wuxuu ku fidiyay dhamaan deeganada ay shegato Somaliland wuxuuna u diyaariyay ciidamada derejadii oo ka maqnayd laakin wuxuu kaga tegay qabyo kadib markii uu doorasho oo hufan oo kala haadsan dalka ka qabtay lagana helay oo uu haneeyey ninkaasina wuxuu ahaa madaxwayne daahir riyaale kaahin.

Waxaa ka danbeeyey mid ku faana waxaa ragii ka horeeyey qabteen oo aan midh ku darin iska daa ku darise waxaa baaba’ay intii hore oohadana dadka uga sheekeeya oo dhegohooda ogolaysiiyay kelmada wax qabad oo siyaabo kala duwan loo dhigay sida xukumadu wax bay qabatay, indhihii cafimaad qabaa way arkayaan sida wax loo qabtay,wax qabadkayagu wuu muuqdaa, wax waanu qabanay ee na suga oo na aamina iyo qaar kaloo badan hadana lama arko waxaa la qabtay waxaa uu dalka ka talinayaa mudo ku dhow sideed sanadood sideedaas sanadood waxaa qudha oo ka xaasila oo joogto noqday qodobadan soo socda:

1) Tuurista dadka danyarta ah ee dalka oo sidaan hore u usoo sheegay dowlada iskaga hoos noolaa oo si uun waxaa dowladu bixiso ay gaadhi jirtay kadib hantidii dal ka ee dad ku dhex wareegi jirtay waxay gacanta u gashay koox yar oo kooban oo xoolihii umada u haysta inay yagu leeyihiin ama dhaxal ay ka heleen waalidkood sanad walba waxay dadka maqashiiyaan miisaaniyad laba jibaarantay lama sheego meel ay ka soo baxday iyo meel ay ku baxdo oo hana hadii qof danyari qayliyo waxaa loogu yeedhaa xertii merfishka ee aanu ka tagnay ama waa dhilooyinkii udub taasoo keentay inuu dadkii isku noolaa u kala qayb samo dabaqado laba kali ah mid hoose oo dhulka taal oo lagu tunto oo lagu tacadiyo oo ah dadka dalka boqolkiiba sagaashan iyo mid sare oo cirkaa isla joogta oo waa inta ganacsiga waawayn haysta iyo inta madaxda sheegata.

2) Kadibna waxaa dalka ku habsaday oo fara qaadi waayay abaaro aan kala go lahayn hada abaarahaasi waa joogto waxaa lagaga jawaabaa abaarha ilahay ayaa keenay keenay ee maxaa laga qaban karaa iyo waa cimilada aduunka warshaha leh ee is bedelay taasina mahaa mid lagu qanci karo waayo ilaahay bini aadam ayuu inaga yeelay oo wuu ina karaameeyay ee miyay inoo cuntantaa sanad walba adiga iyo noofkaaga xoolaha ahi inaad mar wada bakhtidaan mayee waa inaad noolashaada dad iyo duunyo maaraysan kartaa oo aad diyaarsataa waxaa joogtadaa ee sanad dhaca

xukumadan manta jirtaa waxay kaga jawaabtaa dhawaaq dheer oo ay u dirto dadka dalka gudihiiisa ku nool iyo kuwa debediisa ku nool iyo waliba wax loogu yeedho deeqbixiye waxay ka dalbataa inay soo caawiyaan dadka abaartu hayso waa inta abaartu jirto maalin walba waxaad maqlaysaa “waxay lacagi naga soo gaadhay cidaa iyo cidaa” hadaad u dheg taagtid oo sugtid ma maqlaysid waxaanu gaadhsiinay cidaa lacagtii lasoo gaadhsiiyay waxay sidaa u uruuriyaan ba waxaa ilaahay keenayaa roob abaara oo aan doogba soo saarayn dhulkii nabaad guuray awgii markaasna waxaad maqlaysaa xumumadii lacag ururinta oo qaylinaysa oo baaq diraysa oo leh dadkii wuu caydhoobay ee lacaageeeey hana soo gaadho oo yaanan gaadhsiin cidnaba taasna dadkoo aad mooda inay falin yihiin oo hadana sixran yihiin ayaa iskaga hurgufa oo ma waydiiyaan meeshay tii hore ku baxdo yadana mooji.

3) Roobka magaalooyinka ka anshax xun oo ka dabeecad xun inta badan kan miyiga beryahan danbe waayo isagoo raagay oo waliba bilaa tayo lagu xanto sidaa xukumadan lacag ururinta ayaa waxaa ka dhashay cuduro shuban lagu sheegay dadkii ayaa tarab tarab u soo daatay in badani way dhimatay in kale way sigatay in kalena waabay baqday kaaga darane daawo ma haystaan oo cusbitaaladu waa gananoow walay ka tahay cid usoo gurmataanaa ee ay hiil ka sugayaana waa xukumadii lacag ururinta iyo ololaha yadoo xaal halkaa marayo ayaa waxaa magalada burco ka dhacay in diyaarad yar oo konton kartoon oo dawo ah sida la keenay laakin maxay kuugu talaa karatoontii balaayaa ka dhacday waxa koloyo usoo galay intaas oo wasiir oo aan marki hore meeshaba joogin mid howshan ku shaqo leh iyo mid aan ku shaqo lahayn waxaa laysku qabsaday dawo dii yarayd oo la doonay in sidii lacagtii abaarta saamiga laga tuuro intii kale shubanka waa lagu kala hagaagaye waxaa laysku wada halgaaday oo hanaqa laysku gooyay mid malaa qaali ahayd oo antibaayotik ahayd isqabsi debeda u soo baxay oo saxafadu ogaatay ayaa ka dhacday dawadii oo wasiiro dhex martay oo maxaa layskaga qabsada midhadh dawo ah miyaan dadka uun lagu daweeynayn hadii sidaa ahaan lahayd layskuma qabsadeen ee waxaa la doonayay in dadkaa shumaya ee hada farmaajaysan laga iibiyo fur iyo xanjadaas ergayn dheer kadib arinkii dhulka ayaa la dhigay dibaana loo dhigay iyo in hoos loo xaliyo yadoo taas halkaa lagu daayay ayaa waxaa soo galay magalada gudoomihii xisbiga xukumada oo musharaxan oo fursadi uga muuqatay shubankaa ka dilaacay burco inuu ka faaidaysto oo olole uu can ku yahay la tafa xaydan oo uu malaa dhowr jeer oo horena ku macaashay wuxuu sidaa lacag uu leeyahay waxaan ku caawinay dadka shubanku ku dhacay dadkii umuu dhiibin ee wuxuu ku wareejiyey lacagtii xubin ka mid waftigii la socday oo ah wasiir taasoo muujinaysa inaan dadka looguba talo galine la doonayay in kamarad laysugu dhigo ilayn hadii aan dadka la siinayn awalba waajib ayay ku ahayd oo yagaa xilkooda sidaye arinkaasina imika iyo dhowaanahan xisbiga talada haya wuxuu ka noqday kaartadooda kali ah ee ay ku ololeeyaan waliba ay ku walacsadaan dad ay hayso baahi caafimaad oo iskaba ildaran in laysla soo dul istaago bane iyo I arkaay I maqlaay yadoon waxa dadka la tusayo aan looba wadin yaga .

4) Dalkan waxaa ka jira oo ragaadiyay sixirbarar aan iskii ama cilad khaarijiya oo aduunka lala qaabaa keenin ee la abuuray oo xukumada lacag ururintu waxay soo daabacdaa lixdii bilood ee walba lacag shilinka Somaliland ah taasoo suuqa la soo galiyo lagagana soo uruursado lacagta dolarka ah oo lacagtii la soo daabacay inta dolar lagu bedesho la dhigto baanan debeda ah kadibna dadkii rayidka ahaa ee danta yaraa ayaa halkaa ku riiqmay oo kubka iyo bowdada kaga jabay dee marka adba garatay akhriste waxaa dhacaya ee maxaan ku idhaahdaa.

5) Dekedii beriberi meeday ee ishii kali ahayd ee dhaqaalaha Somaliland beri hore ayaa loo qaybsaday laba rodol iyo nusiqiye waxaa lagu qaatay dilaal yar oo lagu sheegay shan milyan oo dollar kadibna wax walba waa la ilaaway dal dad naf iyo maal hadana dadkii waxaa looga dhigay wax qurux badan oo waxaa loola baxay maal gashi caalami ah kasbasho saaxib aan u aqoon dalba waxaa laga soo dhirirn dhirayaa dowladaha xamar oo si dadban looga amar qaato dadkana waxaa loogu sheekeeyaa wax kale dal kale .

6) Xoolihii Somaliland xayiraad ayaa la saaray yadoo aan la cadayn arinkaa xukumadani kamay hadal wax dhaqaaqana umay galin yadoo sidaasana hadana maalin dhawayd waxay xidhiidh aan la sheegin meel uu kaga dhexeeyey u jartay dal aanay kala garanayn inuu isagu dan u yahay in kale waxanay la safatay dalal aan garanayn waxay ugu gudayaan waxayn ay ku raacday oo xataa aan la hubin inay u ogyihiin arinkaa kuway la safatay iyo kay ka safatay midna waxaa laga yabaa inaanay garanayn ama dareemeynba oo waxay u yaqanaan qayb ka mid ah somaliya qaarna waabay kaga sii fogyihiin oo waxay u yaqaan falaago gooni goosato ah oo waxaaba laga yaaba inay ka cadhoodaan kuwan ay iska dhaadhici is leedahay oo ay is waydiiyaan waa waxay kuwan aan melba haysan ee jamaca idinku soo qabsaday ee aamiintoodu sida kale tahay kadibna waxaa laga yaabaa inay salaatul sahwiyaan oo sujuudul sahwina haleeli wayaan oo yada xidhiidh u goyn mayaane ay duqeeyaan sida xuusiyiinta yaman

Dalka maamulkiisii sida loogu dabar go’ay ninkii doonayoow waa kaas ee maqal oo arag

Alaalhu maa balaqtu

Allaah mahad leh

By: maxamed cabdilahi nur (koomaati)

Tell:2524258662

Email:koomaati@gmail.com

s