Xiisadda Bariga Dhexe: Qadar oo xabsiga dhigtay in ka badan 300 oo qof
Qadar ayaa qabatay 313 qof oo lagu eedeeyay in ay ku faafiyeen muuqaallo iyo warar kale baraha bulshada.
Wasaaradda Gaashaandhigga ee Qatar ayaa ku dhawaaqday in waaxda la dagaallanka dambiyada dhaqaale iyo kuwa elektarooniga ah ee hoos timaadda maamulka guud ee baarista dambiyada ay ku guuleysatay inay qabato 313 qof oo ka kala socda jinsiyado kala duwan.
Qabashada dadkaas ayaa la xiriirta duubista iyo faafinta muuqaallo, iyo sidoo kale faafinta macluumaad marin-habaabin ah iyo warar xan ah oo kicin kara dareenka bulshada, taasoo ka hor imaanaysa tilmaamaha ay soo saareen hay’adaha ay khuseyso.





