Fiisaha Shenjenka loo yaqaan ee looga baahanyahay qofka u safraya waddamada Midowga Yurub (EU) ayaa mustaqbalka dhow laga dhigi doonaa qaab internet-ka laga buuxsan karo.

Codsiga cusub, oo uu soo jeediyey gudiga Yurub ka dib faafitaankii Covid-19, ayaa ujeedkiisu yahay in la fududeeyo codsiyada fiisaha Shenjen iyo in fiisaha laga dhigo mid u adkaysta tuugada iyo wax is daba marinta.

Soo jeedinta “fiisaha dhijitaalka ah” oo ay diyaariyeen guddigu, ayaa waxaa aqbalay Guddiga Xoriyadda Madaniga ah ee Baarlamaanka Yurub (EP).

Xeerka cusub, oo ay ka wadahadli doonaan baarlamaanka Yurub iyo Golaha Yurub, ayaa la filayaa inuu bilaabmo sannadka 2026.

Ka dib muddada shanta sano ah ee kala guurka, Komishanka Yurub wuxuu higsanayaa inuu awood u siiyo dhammaan xubnaha ururka Shenjen inay isticmaalaan codsiga fiisaha dhijitaalka ah laga bilaabo 2031.

Marka hore waa maxay fiisaha Shangeyn?

Aagga Shengen wuxuu tilmaamayaa aag ay 27 waddan oo Yurub ah ay baabi’iyeen xudduudahooda gudaha, dhaqdhaqaaqa xorta ah ee dadka oo aan xaddidnayn, si waafaqsan xeerarka guud ee lagu xakameynayo xuduudaha dibadda iyo la dagaallanka dembiyada iyadoo la xoojinayo nidaamka garsoorka iyo iskaashiga booliiska. Fiisaha Shenjen hadaba waa nooca fiisaha ee waddamadani bixiyaan taas oo u ogalaaneysa qofka hadii uu hal waddan ka haysto in aanu fiiso uga baahan 26-ka dal ee kale, si xor ahna uu uga gudbi karo xuduudahooda.

Qofka fiisahan wata wuxuu noqon karaa muwaadin dalkiisu ka baxsanyahay 27-kan dal oo hadda la filayo inay kuwa kale kusoo biiraan.

Maxaa loogu baahan yahay codsiga fiisaha dhijitaalka ah?

Dawladaha xubnaha ka ah ayaa ugu baaqay Komishanka Yurub inay dedejiyaan dhijitaaleynta hababka fiisaha ka dib markii ay joojiyeen codsiyada fiisaha inta lagu jiray aafada Covid 19.

Komishanku waxa ay diyaariyeen soo jeedinta codsiga dhijitaalka ah “si loo sameeyo siyaasadda fiisaha ee muwaadiniinta waddanka saddexaad ee u safraya aagga Shenjen qalab aad u casri ah oofudud in la isticmaalo aaminna ah”.

Goorma ayuu codsiga fiisaha dhijitaalka ah dhaqan galayaa?

Marka loo eego natiijada wada xaajoodka u dhexeeya Golaha Yurub iyo Baarlamaanka Yurub, horumarinta nidaamka codsiga dhijitaalka ah ee ku saabsan Macluumaadka Socdaalka iyo Nidaamka Ogolaanshaha Socdaalka ee Midowga Yurub ee loo soo gaabiyo (ETIAS) wuxuu bilaabmi doonaa 2024.

Codsiyada waxaa laga yaabaa inay shaqeeyaan 2026. Kadib shanta sano ee xilliga kala guurka , dhammaan wadamada xubnaha ka ah waxay bilaabi doonaan isticmaalka nidaamka codsiga dhijitaalka ah marka la gaaro sannadaka 2031.

Qof online ka xareysanaya fiiso

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Ma ka sahlanaan doontaa in lagu helo fiisaha codsi dhijital ah?

Xeerka cusub ee codsiga fiisaha waa uu fududaan karaa. Codsadayaashu ma aadi doonaan qunsuliyadaha ama safaaradaha.

Si kastaba ha ahaatee, wax isbeddel ah kuma iman doono dukumeentiyada iyo shuruudaha qiimaynta ee looga baahan yahay codsiga. Codsiyada kuwa aan buuxin shuruudaha lagama maarmaanka ah waa la diidi doonaa.

Sidee loo codsadan fiisaha Schengen ee dhijitaalka ah?

Dadka u baahan fiisaha Midowga Yurub waxay marka hore nidaamka ku samayn doonaan akoon sugan. Iyada oo loo marayo akoonkan, waxay buuxin doonaan foomka codsiga oo ay ku dhejin doonaan dhukumentiyada loo baahan yahay. Kadib waxay buuxinayaan codsigooda iyagoo ku bixinaya kharashka fiisaha internetka dhexdiisa.

Nidaamku wuxuu si toos ah ugu gudbin doonaa codsiga waddanka Shenjenka ah ee ah halka ugu muhiimsan ee safarkaagu yahay.

Codsadayaashu waxay awood u yeelan doonaan inay la socdaan halka ay marayaan codsiyadoodu. Marka fiisaha la ogolaado, codsadayaashu waxay awood u yeelan doonaan inay fiisahooda ka galaan internetka. Haddii loo baahdo, waqtiyada fiisaha sidoo kale waxaa muddo korodhsi lagu sameyn karaa isla internetka.

Codsadayaashu waxay awood u yeelan doonaan inay helaan taageerada lagama maarmaanka ah inta lagu jiro nidaamka codsiyada sida sanduuqa wada-hadalka iyo su’aalaha inta badan la isweydiiyo.

Fiisaha dhijitaalka ah ma noqon doonaa mid ammaan ah?

Sida laga soo xigtay guddiga Yurub, fiisaha waraaqaha ah ee lagu shaabadeeyo baasaboorka ayaa aad ugu nugul khiyaanada iyo xatooyada. Tani waxay khatar ku tahay ammaanka Midowga Yurub. Fiisaha dhijitaalka ah ayaa noqon doona nooc ka mid ah feylka elektaroonigga ah ee ku jira Nidaamka Macluumaadka fiisaha sidaas darteedna hadda waxaa laga hortagi karaa khiyaanada iyo xatooyada.

foomka fiisaha oo la buuxinayo

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Wali suurtagal ma tahay in la codsado fiisaha warqadda ee ka baxsan gudaha dhijitaalka ah?

Haddii ay dhacdo sababo bini’aadantinimo oo baahi fiisaha Shenjen ah, waxyaabo gaar ah ayaa la dalban karaa waxaana fiisaha lagu codsan karaa warqad.

Intaa waxaa dheer, xubnaha qoyska kasoo jeeda Yurub ee Aagga Dhaqaalaha Yurub ee ka faaiidaysanaya xuquuqdooda dhaqdhaqaaqa xorta ah waxay sidoo kale awoodi doonaan inay codsiyadooda ku soo gudbiyaan warqad.

Weli miyay lagama maarmaan noqon doontaa in la aado qunsuliyadda si loo codsado fiisaha?

Dhammaan codsadayaasha waxay awoodi doonaan inay ku dhammaystiraan qarash bixintooda, internetka. Si kastaba ha ahaatee, kuwa u safri doona wadamada Shenjen markoodii ugu horeysay iyo codsadayaasha macluumaadkooda faraha uu dhacay wali waxay u baahan yihiin inay u soo gudbiyaan dhukumeentiyadooda faraha, qunsuliyada ama xarunta codsiga fiisaha si shaqsi ah. Ballamaha habraacan waxa lagu samayn karaa internetka.

Waa maxay faa’iidooyinka codsiga guud ee dhammaan wadamada Midowga Yurub?

Codsadayaashu waxay awood u yeelan doonaan inay ka helaan dhammaan codsiyada fiisaha ay soo gudbiyeen hal akoon.

Komishanku waxa uu higsanayaa in la joojiyo marrinada qaranka ee dal kasta oo xubin ka ah laguna beddelo hal barnaamij oo codsi oo ah heerka Midowga Yurub.

Madallada qaranka waxa lagu baabi’in doonaa shan sano gudahood ka dib marka uu hirgalo.

Xogta shakhsiyeed ee codsadayaasha waxaa lagu ilaalin doonaa nidaam amni oo adag.

Kharashka codsiga fiisaha Schengen waa 80 euro. Qiimo dhimis ayaa loo sameeyaa kuwa ka yar da’da 18. Codsadayaasha ka yar da’da 12 lagama qaado wax kharash ah.