Danab ku dhacay meel u dhow Xafiiska uu fadhiisto madaxweynaha Maraykanka oo khasaare sababtay

Aqalka Cad

Afar qof ayuu dhaawac halis ah kasoo gaaray jac ku dhacday meel u dow Aqalka Cad ee looga taliyo dalka Mareykanka.

Dadka dhaawacmay oo kala ah labo nin iyo labo dumar ah ayaa xilliga ay biriqda ku dhacday ku sugnaa goobta lagu nasto ee Lafayette oo ku taalla magaalada caasimadda ah ee Washington, sida ay sheegeen saraakiisha booliska.

Maadaama goobta ay musiibadu ka dhacday ay aad ugu dhow dahay Aqalka Cad ee uu fariisto madaxweynaha Mareykanka, waxaa islamarkiiba ku orday xubno ka tirsan ciidanka sirdoonka ee ilaalada u ah madaxweynaha.

Waxay ka mid noqdeen dadkii ugu horreeyay ee caawiyay afarta ruux ee dhaawaca halista ah uu soo gaaray.

Hase ahaatee ilaa hadda lama xaqiijin magacyada dadkaas.

Kooxda Gurmadka degdegga ah ayaa loogu yeeray goobta
Kooxda Gurmadka degdegga ah ayaa loogu yeeray goobta

Jacda ayaa abaartay afarta qof oo taagnaa meel u dhow geed ku yaalla darbiga ku wareegsan dhismaha Aqalka Cad, xilligaas oo ahayd wax yar kaddib maqribnimadii Khamiista.

“Dhammaan afartooduba waxay qabaan dhaawacyo khatar gelinaya noloshooda,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay waaxda dab demiska ee magaalada Washington DC.

“Waxaa noo suurtagashay in aan si degdeg ah u dawayno kaddibna afarta qofba ka qaadno meesha, dhammaantoodna waxaa la geeyay isbitaalka,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Boolisku wali ma aysan xaqiijin in dadkan goobta ku sugnaa ay is wada yaqaanneen iyo waxa ay halkaas ka samaynayeen marka ay biriqdu kusoo dhacday.

Aqalka Cad

Kaddib markii ay dhacday musiibada khasaaraha sababtay, qayb ka mid ah goobta lagu nasto ee doogga leh ayaa la xiray, waxaana sal dhigtay shaqaalaha gurmadka degdegga ah.

Waaxda Qaran ee Cimilada Mareykanka ayaa gelinkii dambe ee Khamiistii soo saartay digniin ku saabsan gugaca roobka iyo jacda kusoo dhici karta aaggaas.

Fagaaraha Lafayette Square waa goob baaxaddeedu la egtahay ku dhawaad saddex hiktar, waxayna si toos ah dhinaca waqooyi uga dhaggan tahay dhismaha Aqalka Cad.

Badanaa waxaa ka buuxa dad soo booqda, gaar ahaan xilliga xagaaga.