Wadamada Somaliland ka taageera doorashooyinka ayaa xidhiidho kala duwan la soo sameeyay Xukuumada,Axsaabta mucaarad ka ah iyo komishanka doorashooyinka.
Waxaanay kala hadleen arimaha doorashooyinka sida ay u soo kala horeeyaan iyo sidii xal waara looga gaadhi lahaa khilaafka taagan, inta ka horaysa 13 November.
Deeq-bixiyaasha doorashooyinka ayaa lagu wadaa in ay hargeysa soo gaadhaan 6-da bishan November.
Daneeyaasha doorashooyinka Somaliland,Waxay doonayaan in ay miiska soo dhigaan Ama ay keenaan qodobo ay ku dhex dhexaadinayaan xukuumada iyo mucaaradka si go’aan looga gaadho khilaafka wakhtiga dheer taagnaa.
Maxay kula tahay adiga?