Danyar laga Raray Degmada Macalin Haaruun oo ka mabsuuday qabkii loo daad-gureeyay

Hargeysa(Qaran news)-Dawladda Hoose ee Hargeysa ayaa ku guulaysatay inay rartay 500 oo qoys oo danyar ah oo deganaa iskurarankii Istanbuul ee degmada Axmed Macalin Haaruun.

Qoysaskaas oo deganaa dhul aanay lahayn, waxa la dejiyay dhul ay mulkiyadiisa iyagu leeyihiin. Waxana rartay Dawladda Hoose ee Caasimada oo u kiraysay baabuur dadka iyo alaabtooda rara. Waxa kaloo hawlgalkaas oo maayar Cabdikariin Axmed Mooge horkacayey ka qaybgalay shaqaale tiro badan oo u gacan siinayey qoysaska la raray.

Qoysaska la raray ayaa ka mahad sheegtay sidii loo raray iyo qaabkii loo dejiyayba waxaanay sheegeen in guusha u weyni ay tahay inay heleen dhul ay iyagu leeyihiin

Waxay u mahadnaqeen maamulka Dawladda Hoose iyo shaqaalihii taban taabinayey.

Maayarka Hargeysa Cabdikariim Axmed Mooge ayaa u mahadceliyay shaqaalaha dawladda hoose oo uu ku ammaanay xilkasnimada ay uga hawlgaleen dadkoodii la rarayey.