Daraasad ballaaran oo muddo sanado ah socotay lagana sameeyay Subxaanyada ku nool dalka Soomaaliya ayaa dhowaan lasoo bandhigay.

 

Daraasaddan oo ay iska kaashadeen jaamacadaha Camuud oo magaalada Boorame, ee Jamhuuriyadda Somaliland taalla – iyo Jaamacadda Charles – oo ku taalla Jamhuuriyadda Czech, ayaa soo socotay muddo 12 sano ah.

Bare sare Xasan Sheekh Cabdiraxmaan Cilmi oo ka mid ah baarayaasha daraasaddan waxna ka dhiga Jaamacadda Camuud oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in daraasaddu tahay mid ay soo bilaabeen baarayaal kale oo ajnabi ah, kuwaasoo sanadkii 2013 mid tan la mid ah ka sameeyay deegaanno ka tirsan maamul-goboleedka Puntland.

Kooxda sameysay baaritaankan oo sidoo kale ay ka mid yihiin Jiří Šmíd, Sergio Matilla Fernández iyo Tomáš Mazuch oo ka socday Jamhuuriyadda Czech ayaa waxaa gacan ka geysatay wasaaradda deegaanka ee Somaliland.

Baarayaasha ayaa muddadaas 12-ka ah xog ka uruurinayay Subxaanyada ku nool dalalka Masar, Eritrea, Itoobiya, Soomaaliya iyo Suudaan ayaa waxay ku ogaadeen in noocan cusub ee Subxaanyada ay tahay mid dhif ah oo ku kooban dhulka Soomaalida.

Noocan ayaa lagu arkay deegaanka Yufle oo 28 km u jira magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag, halka horena looga helay deegaanka Baargaal ee Puntland.

 

Deegaanka Yufle, waa mid ka mid meelaha laga helay noocan cusub ee Subxaanyada

Marka la baarayo waxaa sidoo kale la adeegsadaa kaamirooyin qaada sawirro fiican, oo muujin kara qolofta noolaha.

Noocan cusub ayaa gaar u ah deegaanno ka tirsan Puntland iyo Somaliland, iyadoo sida uu sheegay Xasan aan noocan laga helin deegaannada kale ee Soomaaliya.

Meelaha laga helay ee ka kala tirsan Somaliland iyo Puntland ayaa ka siman nooca dhulka, oo ah mid aad u qallalan.

Caqabadaha lagala kulmo daraasadaha laga sameeyo Soomaaliya

Subxaanyo

XIGASHADA SAWIRKA,ŠMÍD J, FERNÁNDEZ SM, ELMI HSA, MAZUCH T (2023)

Bare sare Xasan Sheekh Cabdiraxmaan Cilmi ayaa sheegay in inkastoo baaritaankan lagu sameeyay nooca cusub ee Subxaanyada laga helay Soomaaliya ay dalka u tahay wax weyn, haddana ay jiraan caqabado lagala kulmo daraasadaha laga sameeyo Soomaaliya.

“Dadka deegaanka marka ay arkaan caddaan, waxay ku leeyihiin caddaankan uma imaan inuu wax baaro ee keyraadka ayuu guranayaa,” ayuu yiri.

Wuxuu sheegay inaan laga maarmin in la kaashado ajaanibta kale si dalka looga sameeyo daraasado waxtar leh.

“Soomaalidu keligeed ma laha awood ay wax ku baaran, sida sheybaar iyo dhaqaale ma heystaan”

“Anigoo Xasan ah keligey inaan tusaale ahaan wax kasoo baaro Kenya waxay iiga baahan tahay dhaqaale,” ayuu yiri.

Sidoo kale ma jiraan khubarro Soomaali ah oo u diyaarsan inay gudaha dalka baaritaan ka sameeyaan, sida uu sheegay Xasan sheegay .

Waxaa kale oo uu sheegay in saynisku uusan xad lahayn, isla markaana saynisyahannada caalamku ay wada shaqeeyaan.