Darajada xisbinimo waa loo dalacaa ee hoos loogama dhaco.

Qorre: La Taliyaha Arimaha Sharciga ee Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda Garyaqaan Mabaarig Cabdi Ismacil.
“Ururada ayaa u tartama inay xisbi noqdaan ee xisbiyadu urur kuma soo noqdaan xeer ahaan iyo xaqiiqo ahaan labadaba, xisbiyada hada jira Ruqsadii way ka dhacday maanta lakiin wali waa xisbiyo leh jiritaan qanuun, tartankuna waxa uu dhex mara xisbiyo iyo ururo ee ma dhax maro ururo baratamaya.
Xisbiyaduna waa Xisbiyo ururaduna waa ururo Raba inay xisbi noqdaan, waana sababta ay doorashada u galaan lakiin xisbigu doorashada waxa uu u galaa inuu sii haysto xisbinimadiisa hadii uu dhaco uun buu meesha ka baxaya sababtoo ah inuu Dalku sadex xisbi ka jiraan waa qodob dastuuri ah markaa hadii la idhaa xisbiyo ma jiraan maanta wixii ka danbeeya macnaheedu waa in dastuurku lagu xadgudbay gaar ahaan qodobka 9aad faqradiisa 2aad. oo jideeyay inay dalka ka jiri karaan oo kali ah sadex xisbi qaran kuwiina hada way jiraan.”
May be an image of 1 person, suit and indoor