Safiirka Dawladda Isutagga Imaaratka Carabta u fadhiya dalka Jamhuuriyadda Somaliland Cabdalla Al-Baqbi ayaa sheegay in dalkiisa iyo shacbiga ku nooliba ay murugada la qaybsanayaan dadki ku waxyeeloobay suuqi Waahern ee gubtay iyo guud ahaan shacbiga reer Hargeysa iyo Somalilandba.
Safiirka oo u wahelinayo wafdi sare oo ka socday bisha cas ee Imaaraatka ayaa maanta booqasho ku tagay goobti masiibadu ka dhacday waxaana halkaas ay kula kulmeen wasiitka Diinta Awqaafta Somaliland Sheekh Cabdulrizaaq Xuseen Cali (Albaani) oo xubin ka gudida qaran ee loo xilsaaray qaadhan ururinta,taakulaynta iyo dibudhiska suuqa baaba’ay.
Safiir Alnaqbi ayaa waxa uu yidhi “Waxay nahay laba dal iyo laba shacab oo uu ka dhaxeeyo xidhiidh walaaltinimo iyo iskaashi mana yaraysan doono wax ka qabashada masiiban dhacday ee bal marka hore waxaanu kala kulmi doonaa madaxweynaha iyo gudida qaran”

Dawladda Imaaraatka ayaa noqotay dalka kaliya ee Carbeed ee ka dhiidhiyey suuqa Waaheen ee wada gubtay iyadoo maalinti salaasadi ay dawladda Imaaraatku soo saartay bayaan ay ku tacsiyadaynayso dadki waxyeeladu kasoo gaadhay ee hantidoodu ku burburtay asiibadaasi isla markaana ku sheegeen inay taageeradooda la barbartaaganyihiin dadka iyo dawladda Somalilandba .