Dawlada Itoobiya oo ka hadashay Saamigii looga qoondeeyay Dekeda Berbera

Sida uu daabacay wargeyska Capital xukuumadda Ethiopia ayaa sheegtay in aanay waxba ka ogayn isbeddelka lagu sameeyay saami qaybsiga maalgashiga Dekedda Berbera oo markii hore Ethiopia laga siiyay 19 % laakiin hadda Somaliland sheegtay in go’aankaasi laga laabtay.
Wasiirka Maaliyadda Somaliland Dr Sacad Cali Shire, ayaa hore u sheegay in Ethiopia aanay keenin maalgashigii laga rabay ee lagu siiyay 19%-ka.
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ethiopia ayaa sheegay in ay baadhayaan hadalka ka soo yeedhay Somaliland ee Dekedda Berbera ku saabsan.
May be an image of outdoors