Dawlada Jabuuti oo soo bandhigtay Diyaarado casriya oo Caalamku aad u amaanay

Diyaaradaha nooca Bayrakatar ee Turkiga

Jabuuti ayaa si rasmi ah uga mid noqotay dalalka adeegsada diyaarada aan duuliyaha lahayn ee Bayraktar TB2 oo ay Turkigu farsameeyen isla markaana ay dagaal ku qaadeen. Diyaarada aan duuliyaha lahayn ee Bayraktar TB2 oo laga leeyahay dalka Jabuuti ayaa markii ugu horeysay lagu soo bandhigay dhoolatus ciidanka xilli la xusayay sanad guuradii 45-aad ee kasoo wareegtay xoriyadda dalka Jabuuti.

Waxaa ciidamada cirka ee Jabuuti ay shalay soo bandhigeen diyaarado ah nooca aan duuliyaha lahayn ee Bayraktar TB-2 oo saaran gaari ah nooca xamuulka qaada. Qaar ka mid ah diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee la soo bandhigay ayaa ku rakibnaa gantaallada la hago ee MAM-L .

Baykar, oo ah shirkadda samaysay diyaaradaasi dagaalka, ayaa intii uu socoday dhoolatuska waxa ay sawirada diyaaradaasi ku baahisay barta ay Twitter-ka ku leedahay.

Horey dowladda Jabuuti hadda ka hor si rasmi ah uma xaqiijin in ay diyaaradahani Dronis-ka Turkiga ay soo iibsatay. Balse hadalka iyo sawirada lagu daabacay bogga Twitter-ka ee shirkadda Baykar ayaa shaaca ka qadaya in shirkadda ay diyaarado ka iibisay dalka Jabuuti. Bayraktar TB2, oo ah diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ayaa horey loogu isticmaalay dagaalada Itoobiya, Suuriya, Liibiya, Karabakh iyo Ukraine.

Diyaaradaha Dronis-ka Ruushka lagu sameeyay ayaa ah kuwa loogu iibsi badan yahay mudooyiinkii u dambeeyay waxaana laga iibiyey in ka badan 21 waddan oo ay ku jirto Jabuuti.

Haddaba maxaan ka naqaannaa diyaaradaha Droniska ee Bayraktar TB2?

Diyaaradan Bayraktar TB2 ayaa loogu talagalay fulinta weerarada iyo howlaha basaasnimada.

Bayraktar TB2 oo culeyskeedu yahay 150 kg ayaa ka howgali karta masaafo dhan ilaa 300 km.

Sida ay sheegtay shirkadda soo saartay diyaaradan Dronis-ka ah waxaa uu dhererkoodu dhan yahay 12 mitir, halka uu joogeedu yahay 2.2 mitir waxayna leeyihiin awood ilaa 300 litir oo shidaal ah.

Diyaaradahaan waxay qaadi karaan markiiba 4 gantaal oo waaweyn.

Diyaaradahan TB2 ayaa la sheegay inay yihiin diyaarado tayadoodu sareeyo kana tayo wanaagsan kuwa ay soo saaraan dalal badan.

Diyaaraddan waxaa soo saartay shirkadda Bairaktar, waxaana naqshadeeyay wiilka uu soddogga u yahay Madaxweynaha Turkiga Erdogan. Shirkadda soo saartay diyaaradahan ayaa sheegtay in ilaa 160 diyaaradood oo ah nooca TB 2 ay ka howlgalaan dalalka Turkiga, Qadar, Ukraine iyo Azerbaijan.

 

Diyaaradaha Jabuuti lagu soo bandhigay

XIGASHADA SAWIRKA,AFP