Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadashay mowfiqkeeda ku aaddan colaadda ka aloonsan magaalada Laascanood ee gobolka Sool, kadib markii mid ka mid ah hoggaanka dhaqanka deegaankaas uu ku eedeeyay dowladda federaalka inay garabsiineyso ‘duqeynta Somaliland’.

Garaad Jaamac Garaad Cali oo ka hadlay kulan xalay lagu qabtay magaalada Nayroobi ayaa eedeynta jeediyay, isaga oo si gaar ah u eedeeyay madaxweynaha dowladda federaalka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre.

Ciidamada Somaliland iyo kuwa beesha Laascaanood ayaa halkaas ku dagaallamaya muddo ku dhow siddeed bil.

Dadka deegaanka ayaa doonaya in ciidamada Somaliland ay isaga baxaan dhammaan deegaankooda iyo inay qeyb ka noqdaan dowladda Soomaaliya, halka Somaliland ay ku adkeysaneyso inay iyadu mas’uul ka tahay dhammaadka ‘xuduudaha Ingiriisku’ ka tagay ee Somaliland la isku yiraahdo
Somaliland billowgii dagaalka waxay sheegtay in Laascaanood ay kula dagaallamayaan qaar ka tirsan ururka Al-Shabaab, iyo ciidamada dowladda Puntland, iyo xitaa kuwa dowladda federaalka ah. Se, dagaalka waxa uu markii hore ku bilowday dibadbaxyo ay dhigayeen dad careysan, kuwaas oo ka dhashay dilal magaalada loogu geystay waxgarad iyo siyaasiyiin uu ugu dambeeyay Cabdifitaax Cabdulaahi Hadraawi oo ahaa in dhalinyaro ah. Waxaa Cabdifitaax la dilay bishii December ee sanadkii hore.

Maamul goboleedka Puntland iyo dowladda federaalka ahba horey ayay u beeniyeen eedeynta Somaliland. Laakiin madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo mardambe hadlay ayaa sheegay in aysan dowladda Puntland gacanta ka laaban doonin colaadda ka taagan Laascaanood. Hadalkaas ayaa dabo-socday eedeymo hore oo tilmaamayay in qeybo ka mid ah ciidamada Puntland, iyo kuwa beelaha deegaanka maamulkaas ay qeyb ka yihiin Puntland.

Hoggaanka dhaqanka ee Sool waxay iyagu ku celceliyeen inay doonayaan in ciidamada Somaliland ay ka baxaan dhulkooda, iyaga oo ku eedeeyay ciidamada Somaliland weerarro iyo duqeymo ‘arxandarro ah’ oo ay ka geysteen magaalada Laascaanood. Laakiin Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin oo hadlay horraantii toddobaadkan ayaa ka bari-yeelay dowladda federaalka iyo shacabka deegaanka colaadda ka taagan Laascaanood, isaga oo eedda markan ku koobay dowladda Puntland.

Waxaa marar badan fashilmay xabbad-joojin ay labada dhinac ba ku dhawaaqeen, iyada oo dhinac ba kan kale eedeeyay.

Waxaa sidoo kale jiray dedaallo dhexdhexaadin ah oo ay iskuday dowladda Itoobiya, sida uu BBC u xaqiijiyay safiirka shaqada ka tagay ee Mareykanka danjire Larry Andre.

Mas’uuliyiin ka socda dowladda Itoobiya ayaa labada dhinac ba la kulmay, laakiin ma jirin wax faahfaahin ah oo dheeraad ah oo kasoo baxay dedaalkaas. Dowladda federaalka ayaa iyada horey odeyaal dhaqan ugu dirtay Laascaanood iyo Hargeysa si ay xal ugu raadiyaan colaada labada dhinac.

Odeyaashaas ayaa la rumeysan yahay inay la kulmeen labada dhinac, laakiin ilaa iyo hadda ma jirto wax kasoo baxay howshii loo diray.

Wasiirka Warfaafinta dowladda federaalka Soomaaliya Daa’uud Aweys oo ay BBCdu la hadashay kadib eedeynta Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa ku celiyay mowfiqka dowladda ee dagaalka Laascaanood.

Waxa uu sheegay in dowladda federaalku ku howlan tahay dedaal xal loogu raadinayo dagaalka siddeed bil ka taagan halkaas, isaga oo aan faahfaahin dheeraad ah bixin.

Waxa uu Wasiir Daa’uud Aweys intaas ku daray in dowladda Soomaaliya ay ugu baaqeyso Somaliland inay joojiso duqeymaha iyo weerarrada ay ka geysato Laascaanood, isaga oo labada dhinac ugu baaqay wada hadal.

Waxa uu intaas ku daray in aysan jirin wax-iska-bededlay mowfiqka dowladda ee ay horey u sheegeen madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horey ula kulmay qaar ka mid ah madaxda dhaqanka Sool oo Muqdisho tagay.